Magaalada Berbera oo Caawa ay ka socdaan Dabaaldegyo Lagu Taageerayo Xulka Gobolka Saaxil.

0

Magaalada Berbera ee Xarunta u ah Gobolka Saaxil, ayaa Caawa waxaa ka socda Damaashaadyo iyo Dabaal Degyo ay dhigayaan Taageerayaasha, Kooxda Xulka Gobolka Saaxil, ee Maanta Ciyaartoodii u horaysay ku yeeshay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, iyaga oo fooda is daray Xulka Gobolka Gabilay.

Ciyaartan oo Maalmahii u danbeeyay si wayn loo hadal hayey, isla markaana Maanta ay Magaalada Berbera ka anbabaxeen, Masuuliyiinta Gobolka Saaxil, Dhalinyaro, Haween Ganacsato, kuwaas oo wata Gaadiid farabadan, oo ay ku dhajiyeen Boodhadh ay ku xardhan yihiin Halku dhigyo, iyo qoraalo Taageero ah oo ay ku taageerayaan Xulka Gobolka Saaxil, kuwaas oo ilaa Galinkii danbe ee Maanta ku sii qul qulayey, dhinaca Gobolka Togdheer, ee ay Ciyaartu ka dhacaysay.
.
Ciyaaran oo si toos ah loogala socday Shaashadaha iyo Websaysyada,ayaa waxaa buuxdhaafiyey, Meheradaha ay yaaleen Shaashadaha Ciyaarta lagala socday, Dadwayne aad u tiro badan, waxaana  markasta oo  Xulka Gobolka Saaxil ay u dhawaadaan Goolka Xulka ka soo horjeeda,waxaa marba laysla oogsanyey Qaylo iyo Sawaxan.

Qaybtii danbe ee Ciyaarta markii ay Goolka ku hormareen Xulka Gobolka Gabilay, waxaa mar qudha is bedelay jawigii Dadwaynahii Ciyaarta la socday, Gaar ahaan  Haweenka oo iyagu Guryaha kala socday, iyo dadkii kale ee Meheradaha ka daawanayey, halka qaarna ay iskaga tageenba Goobahii Ciyaarta laga daawanayey.

Hadaba isla qaybii danbe ee Ciyaarta dhamaadkeedii, markii ay Xulka Gololka Saaxil  keeneen Goolkii Bar bardhaca waxaa mar kaliya isla Oogsaday qaylo iyo Sawaxan, Mushxarad iyo Hoon, iyada oo intii badnayd Dadkii Ciyaarta Daawanayey ay dibadaha u soo baxeen iyaga oo faraxsan.

Qaar ka mid ah Dadkaas oo anu dareenkooda wax ka waydiinay ayaa waxay yidheehdeen sidan” Dareenkayga ma qiyaasi karo, waxay Xulkeenu muujiyeen dadaal ilaa dhamaadkii xiyaarta, waxay soo bandhigeen ciyaar qurux badan, waxaan  hanbalyp u dirayaa Maamulka Gobolka oo iyagu maanta aan u kal hadhin in ay  garab istaagaan Xulkooda”

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Saaxil ayaan Maanta u kala hadhin, ka qayb galka Daawashada Ciyaarta Xulka Gobolka Saaxil, iyada oo la arkayey Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Ramaax, oo xidhan garamada Kubada lagu Ciyaaro oo taagan halka ay istaagaan Tababarayaashu, iyada oo la odhan karo waa  Ciyaartii ugu Xamaasad badnayd, Taageerayaasha Gobolka Saaxilna waxay noqdeen taageerayaashii ugu badnaa ee ka yimaada Gobolka ka baxsan Gobolka ay ciyaarahu ka socdaan ee Togdheer.

khadar Jaamac Xaashi
Berberanews,Berbera