MANCHESTER UNITED OO HANATAY HORYAALKEEDII 19-NAAD EE PRIEMER LEAGUE

0

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalkeedii 19-naad ee dalka Ingiriiska ka dib markii dhibcihii ay u baahneyd ka heshay kulankii Blackburn kaa soo ku dhamaaday barbar 1-1 ah.
Blackburn ayaa goolka ku hormartay oo ka nixisay Manchester United, balse rigoore uu dhaliyay Ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa ugu filneyd inayd Manchester United noqoto kooxda ugu guulaha badan horyaalka dalka Ingiriiska .
Kooxda Red Devils, ayaa u baahnayd hal dhibic kaliya labada kulan ee u hadhay si ay u xajistaan horyaalkooda, waxaana ay barbar 1-1 ah ay la galeen Blackgurn Rovers, waxaana ay u guulaysteen afar jeer shantii xilli ciyaareed ee u danbeyey.
Iyadoo haatan ku guuleysatay horyaalkeeda 19-naad, waxa ay United ka hormartay kooxda Liverpool oo hore rikoorkan ku haysatay 18- Koob.
Sir Alex Ferguson ayaa cadeeyay 1986-nadii markii uu Old Trafford qabanayay inuu doonayo inuu ka samro Liverpool.
Tababaraha ree Scotland waxaa uu qirtay todobaadkii hore inuusan filaynin in uu ka hormarayo Rikoorkii Liverpool, laakiin waxaa uu haatan ku guulaystay Horyaalka 12-jeer, waana Sagaal jeer in ka badan bababarayaasha kale.
Inkastoo horyaalka ay kula soo tartameen Arsenal iyo Chelsea,
hadana United inta badan iyada ayaa gogaanka u soo haysay, waxaana horyaalkooda xaqiijisteen markii ay 2-1 ay kaga adkaadeen Kooxda Chelsea todobaadkii hore.
Manchester United ayaa horyaalka ku dhamaysatay iyadoo badisay 5-ka mid ah 19-Kulan oo ay Marti ahaayeen Horyaalka Ingiriiska, laakiin intaas ayaa ugu filnayd inay jabibaay Rikoorkii Liverpool oo ahayd koodiii ugu guulaha badnayd Horyaalka Ingiriiska.


Machester united ayaa waxaa ay haatan haystaan 19-Koob oo Horyaalka Ingiriiska ah, halka Liverpool ay haysato 18-koob oo Horyaalka Ingiriiska ah,
waxaana todobaadla danbe ay Manchester Old Trafford kula ciyaari doontaa kooxda Blackpool, waana kulanka ugu danbeeya horyaalka.
Maadaama ay haatan Manchester unitd xaqiijisatay horyaalka Ingiriiiska, waxa ay diirada saari doontaa kulanka 28-ka May ee Finaka Champions League oo ay Wembley kula ciyaarayan kooxda Barcelona oo iyadana horaalka dalkeeda Spain ku guuleysatay.

sida ay kooxaha u kala qaadeen horyaalka ingiriiska:
 19- Manchester united
18- Liverpool
13- Arsenal
9- Everton
7- Aston Villa, Sunderland
5- Newcastle United
4- Chelsea, Sheffield Wednesday
3- Huddersfield Town, Leeds United, Wolverhampton Wanderers, Blackburn Rovers
2- Porsmouth,Preston North End, Burnley, Machester City, TOttenham Hotspur, Derby County
1-Sheffield United, West Bromwich Albion, Nottingham Forest, Ipswich Town.

Mustafe Mohamoud Diiriye “kastam”