Maraykanka oo Budhcad-Badeed Soomaali ah ku dilay Badweynta Hindiya

0

Taiwan Nairobi(Berberanews)- Saddex ka mid ah kooxaha Bad-jiifayaasha Soomaalida ee ka ugaadhsada Badaha iyo hal Bad-maaxe oo u dhashay dalka Taiwan ayaa lagu dilay is-rasaaseyn Badweynta Hindiya ku dhexmartay Ciidammo Mareykan ah iyo koox Budhcaddaas ka mid ah bishan 21-keedii.

Warsaxaafadeed ay xalay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Taiwan ayaa lagu sheegay warkan, iyadoo la sheegay in Meydadka dadkan ay weli dul saaran yihiin Doonni lagu dul dilay. Bad-maaxaha dhintay oo lagu magacaabo Wu Lai-yu, ayaa ahaa kabtanka Doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Jih-chun Tsai 68, taasoo la afduubay 30-kii bishii March 2010.

Dagaalkan ayaa sababay in kooxihii Budhcad-Badeedda ahaa laga qabsado Doonnidii kalluumeysi oo ay lahayd Taiwan iyo laba shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinaha, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan Ciidammada Badda ee dawladda Maraykanku.

Markabka dagaal ee Budhcad-badeedda la dagaallamay oo ah nooca xambaara gantaalaha ayaa waxaa lagu magacaabaa USS Stephen W. Groves, kaasoo gacan siiya Ciidammada NATO ee ku sugan Biyaha dalka Soomaaliya.

Lama oga halka ay tageen kooxihii Budhcad-Badeedda Soomaaliyeed, kuwaasoo la sheegay inay ku baxsadeen markii laga adkaaday Doonni yar oo kuwa dheereeya ah. Xukuumadda Taiwan ayaa sheegtay inay bilowdeen wada-hadallo ay ku doonayaan in Doonnida kalluumeysi iyo shaqaalaha la socda lagu soo wareejiyo, markii uu falku dhacay ka dib.

 

Berberanews

Hargeysa/Somaliland.