Maraykanka oo lagu xidh-xidhay Soomaali iyo Yemeniyiin Qaad kootarabaan ah geeyey

0

Newyork, 21, May 2011 (Berberanews)- Ciidammada ammaanka dalka Maraykanka, ayaa   gobollada New York, Maryland iyo Virginia ku qabqabtay 14 qof oo isugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin,

kuwaasoo Qaadka si qarsoodiya u galin jiray waddanka Maraykanka, waxaaana la sheegay in Jaad dhan 4.4 ton (tan) ay hab qarsoodiya ku galiyeen dalkaas oo cunistiisu mamnuuc ka tahay.

Xeer-ilaalinta  Maraykanka ayaa maalintii Khamistii ee shalayad shaaca ka qaaday in nimankani  ay qaadka ka  keeni jireen wadamada Holland, Britain iyo Canada, iyagoo carruur yar-yar u adeegsan jiray keenida qaadka si ay uga badbaadaan baadhitaanada ay ciidamada amaanku ku sameeyeen dadka ka soo dagaya iyo kuwa ka dhoofaya madaarada dalka Maraykanka.

Saraakiisha amaanka Maraykanku  waxay ka gaabsadeen inay shaaciyaan rag la qabtay magacyadooda iyo muddada ay  ganacsiga qaadka ka wadeen wadankaas, laakiin waxay sheegeen inay suurogashay  in dhawr jeer si qarsoodi ah qaad badan u  soo galiyeen  gobollada Maryland, New York iyo Virginia.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.