Maraykanka Oo Maalgelin Ku Sallaysan Baahiyaha Dhabta ah ee Bulshada Ka Hirgelinaya Somaliland

0

Hargeysa-(Berberanews)- Dawladda Maraykanka, ayaa markii u horaysay maalgelin toos ah oo ku salaysan baahiyaha bulshada iyo maamulka ka hirgelinaysa Somaliland.

Mashruucan oo bilowgiisa ay ku kacayso lacag dhan $3,000,000 (saddex milyan oo dollar) waxa uu qorshuhu yahay in mashaariic tijaabo ah oo horumarineed laga caawiyo dawladaha hoose ee lixda gobol ee Somaliland iyo saddex wasaaradood oo kala ah Warfaafinta, Qorsheynta iyo Hawlaha Guud, kaasoo shir lagu dersayo baahiyaha mujtamaca oo ay ka qaygaleen 75 xubnood oo ka socda lixga gobo lee dalka, ururada aan dawliga ahayn iyo ganacsatada oo mudd affar cisho socday ay Hay’adda Maraykanka u qaablisan mucaawimooyinku todobaadkii hore ugu qabatay dalka Djibouti.

Mashruucan maalgelineed ee Maraykanku ka fulinayo Somaliland waa mid maayarada iyo wasaaradaha laga dalbanayo inay soo gudbiyaan baahiyaha aas-aasiga ah ee taagan, ka dibna ay qiimayn ku samayn doonaan ururada rayidka ahi oo haddii ay u arkaan barnaamijyo ka turjumaya tallobixintoodu muhiim u tahay ogolaanshaha mashaariicda, taasoo muujinaysa mid ku sallaysan rabitaanka dadka oo ka duwan qaabka ay dalka uga hawlgalaan hay’adaha gargaarka oo iyagu la yimaada mashaariic malaayiin doolar ku kaca oo ay iyagu doorteen, balse aan lagu salayn baahida bulshada.

Hadaba, waxaannu xogwaran ku saabsan mashruuca maalgelineed ee Maraykanka kala yeelanay Maareeyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay shirkii ka dhacay Djibouti ee lagu dersayay baahiyaha gobollada Somaliland.

Maareeye Mustafe oo aanu wax ka weydiinay farqiga u dhexeeya nidaamka Mashruuca maalgelineed ee Maraykanka oo ku salaysan baahiyaha  bulshada in laga shidaal qaato iyo qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha kale, waxa uu yidhi, “Waxaan odhan karaa waa bog cusub, maadaama xidhiidhka noocani aan hore u dhexmarin Somaliland iyo Maraykanka, sababtoo ah markii hore waxa dhici jirtay in NGO’yada fulinta loo diraa ay xataa mashruuca laftiisa qaataan oo aan Somaliland iyo deeqbixiyayaashu is arki jirin, ta labaad eejirta waxay tahay inay Hay’aduhu lacagta oo ay soo shaxeeyeen ay odhan jireen ‘waxan baanu idiin qabanaynaa’ laakiin waa markii u horaysay ee lacagta inta hortaada la keeno baahidaada lagu weydiiyo, waxaanan filayaa inay tani albaabada u furi donto deeqo intan ka ballaadhan.”

Mustafe Sacad oo faahfaahin ka bixinayay mashruucan iyo shirkii ku qabsoomay dalka Djibouti waxa uu yidhi,  “Shirkan oo ka qabsoomay dalka Djibouti waxa uu socday 4-ilaa 7 dii Bishan May, waxaana soo qabanqaabiyay sanduuqa caawimadda Maraykanka ee USAID, waxa ka soo qaybagalay 75 xubnood oo ka kala socday dhammaan lixda gobol ee Somaliland, kuwaasoo isugu jiray Wasaaradaha dawlada, maayaradda lixda magaalo ee gobollada, ururada bulshada iyo ganacsatada

Ujeedada shirkani waxay ahayd in caasimadaha lixda gobo lee Somaliland laga caawiyo mashaariic kooban oo tijaabo ah oo ay ku baxayso  $3,000,000 (saddex milyan oo dollar) oo loo qaybiyay lixda magaalo ee Hargeysa, Berbera, Burco, Boorame, Laascaanood, Ceerigaabo iyo saddex wasaaradood oo kala ah Wasaaradaha Warfaafinta, Arrimaha gudaha iyo Hawlaha Guud. Masuulliyiinta gobolkasta ka socotay waxay soo qoreen baahiyaha ugu mudan wakhtigan ee wax-ka-qabadka u baahan.”

 

Mustafe Sacad oo ka jawaabayay doorka ururada rayidka ahi ku lahaaayeen shirkan lagu casuumay waxa uu yidhi, “Doorka ururada rayidka ahi wuxu ahaa inay la eegaan baahiyaha ay soo qoreen  wasaaradaha iyo madaxda magaalooyinku qaar ku haboon oo ka turjumaya baahiyaha dhabta ah ee taagan ee mudan in wax laga qabto, iyadoo ay jireen baahiyo ay soo qorteen magaallooyinka qaarkood in markii aanu la eegnay dib loo celiyay oo aanu ku qanci weynay.

Maareeyaha Jamhuuriya Meda Group Mustafe Sacad waxa uu ka jawaabay su’aal ku saabsan sababta shirkaas Somaliland loogu qaban waayay ee Djibouti loola tegay, waxaannu yidhi, “Ujoodooyinka Djibouti loogu qabtay shirka waxa ka mid ah madaxda US/AID looma ogola saacado kooban wax ka badan inay joogaan dhulka Soomaalida, mudada affarta cisho ee shirku socday way joogeen madaxda US/AID, iyagaana toos loola hadlayay, baahiyaha ay goleyaasha deegaanka iyo wasaaraduhu qorteen maaha kuwo toos loo siinayo, laakiin waxay soo marayaan DAI, haday tahay dhisme, qalab iyo mashruuc kasta.”

 

Berberanews.com