Berbera News | Daily News Update

Maraykanka oo sheegay inay xubno Al-shabaab ah ku laayeen duqeymo diyaaradahoodu ka fuliyeen Somalia

Somalia-(Berberanews)-Mareykanka ayaa sii wada duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Ururka Al-shabaab saldhigyada ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, yaa sheegtay in duqeyntii ugu horeysay ka fulisay gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay ku dishay 6 xubnood oo Shabaab ka mid ah sidoo kalena ay ku burburisay gawaadhi dagaal.

Duqeynta Labaad ayaa ka dhacday degaanka Baqdaad, waxaana halkaasi lagu dilay 4 xubnood oo Shabaab ka tirsan sidda ay sheegtay dowladda Mareykanka.

Mareykanku wuxuu sheegay in howlgalada sidoo kale ay ka qeybqaateen ciidamada sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya,

Al-shabaab iyagu waxba war kama aysan soo saarin weerarradda tooska ah iyo duqeymaha uga imanaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya ee isbaheysanaya, taa badalkeedana waxaa ay sii wadaan dhankooda weerarrada ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM