“Marka la kordhiyo ee Xaaji Cabdi ku dhufto wixiisiina, waxaannu leenahay waa in dawlad Midnimo Qaran la dhisaa…” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay haddii Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbigiisu la qaadan waayaan in muddo-kordhin la sameyo wakhtiga lixda bilood ah ee ay soo jeediyeen labada Xisbi Mucaarad ama wax ku dhaw oo laga doodo la iman waayo inta ka horraysa Arbacada toddobaadkan uu Guurtida ka dalban doono isla Arbacada inay muddo-kordhin sameeyaan, isla markaana la dhiso dawlad Midnimo Qaran ah.

Faysal Cali Waraabe oo u warramay xalay Somali Cable TV isagoo jooga Hargeysa, ayaa sheegay in muddada duruufta Abaaruhu keentay ee ay Mucaarad ahaan UCID iyo Waddani soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada Madaxtooyada ee u muddaysnayd 28-ka bisha 3-aad ee sannadkan 2017-ka habboon tahay in Xisbil-xaakimka Kulmiye aqbalo, haddii uu aqbali waayana Golaha Guurtida uga dalban doonaan inay si toos ah u kordhiyaan muddada, inta doorashada ka horreysana la dhisi doono dawlad Midnimo Qaran ah, sida uu Faysal ku dooday.

“Haddii immika Muuse na diido iyo Kulmiye waxaa aannu soo jeedinnay ee dhex-dhexaadka ah, Guurtidaan odhanayaa toos u kordhiya, bal waa waxay ka helaane, markay Guurtidu kordhisana dawlad Midnimo Qaran sameeya ayaan odhanayaa, Anigu beenta ma aqaan, Barnaamijkaygu wuu ii dhisan yahay, Nin iska soo toosay ma ihi, noloshayda Somaliland baan siiyey.” Sidaa ayuu yidhi Faysal.

Waxaanu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, intaas ku sii ladhay; “Markaa, hadduu Muuse nala qaadan waayo wakhtigaa lixda bilood ah ama wax u dhaw oo macquul ah oo laga doodo keeni waayo, Guurtida ayaan tegayaa Arbacada Anoo keligay ah marka ay tagaan Weftiga Beesha caalamku, oo odhanaya Guurtida, ‘Waar heshiin waynaye kordhiya’ markuu Xaaji Cabdi ku dhufto wixiisiina, waxaannu leenahay waa in dawlad Midnimo Qaran la dhisaa.”

Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo toddobaadyadii u dambeeyey kulammo kala duwan ka yeeshay waxa laga yeelayo doorashada waqtigeedu soo galay iyo saamaynta Abaaraha Baahsan ee Somaliland ku dhuftay oo sababay in boqolkiiba toddobaatan tiro u dhiganta Dadka laga diiwaangeliyey deegaannada Miyiga ah ee gobollada dalka aanay ku sugnayn goobihii laga diiwaangeliyey oo sharcigu dhigayo inay doorashadana ka codeeyaan, isla markaana saamaynta abaaraha awgeed dhul kala duwan uga hayaameen deegaannadoodii.

Hase-yeeshee, saddexda Xisbi ayaan weli mawqif ka wada qaadan waxa laga yeelayo arrimahaa is-galay, waxaanay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID isla qaateen oo ay soo jeediyeen, Komishankana u gudbiyeen in muddo lix bilood ah dib loo dhigo doorashada, halka Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku dooday in loo baahan yahay in waxa la kordhinayo dariiq sharci loo maro, maaddaama oo ay hore Mucaaradku uga qayliyeen muddo-kordhintii 2015-kii, isla markaana Dacwad ay ka gudbiyeen, taas oo ay Maxkamadda sarena go’aamisay inaanay doorashadu dhaafin 28-ka Maarso 2017-ka, ciddii la xukumayna tahay Madaxweyne Siilaanyo oo hoggaamiyaha Xukuumadda ah iyo Xisbil-xaakimka Kulmiye

Xigasho Wargeyska Ogaal