Marwo Faadumo Siciid oo shaacisay inay ka baxday Xisbiga Waddani

0

Hargeysa(Berberanews):- Faadumo Siciid Ibraahin oo ahayd Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Shaacisay inay xilkaas iyo Xubinnimadii Xisbiga iska casishay, isla markaana ay noqonayso Siyaasiyad madax-bannaan.

Faadumo Siciid waxay dhalliishay siyaasadda Xisbiyada iyo Xukuumadda Somaliland oo ay ku tilmaantay mid aan bulshada lagu meteli karin ee daynaysi iyo beelo ku dhisan, waxaanay sheegtay inay Xisbiyada iyo Xukuumadduba ku guul-darraysteen inay la yimaaddaan siyaasad hufan iyo inay soo afjaraan colaadda Ceel-afweyn ka taagan muddada shanta sano ku dhaw.

Haddaba, Faadumo oo arrimaha sababay is-casilaaddeeda iyo rejadeeda siyaasadeed ee Waddani ka dib kaga hadashay shir Jaraa’id oo ay Maanta ku qabatay magaalada Hargeysa, waxaannu hadalkeeda idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-
https://youtu.be/pixwcM83ns4