“Masar waxay dooneysaa heshiiskii guumeysiga” Itoobiya

0

Wada-xaajoodka sanadaha badan soo socday ee u dhexeeya Masar iyo Ethiopia,kuna saabsan biya xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile ayaan weli xal laga gaadhin, xilli xiisada u dhaxaysa labada dal cirka isku shareertay bilihii u dambeeyey.

Kulankii ugu dambeeyey ee la rajeeynayey in heshiis lagu gaadho ayaa ka dhacay magaalada Washington oo ay Itoobiya ka qayb geli wayday.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gadu Andargachew oo wareysi gaar ah siiyey laanta Axmaariga ah ee BBC-da, ayaa sheegay in ay masar ku howlan tahay sidii ay cadaadis diblomaasiyaddeed u saari lahayd Itoobiya, balse taasi aanay ahayn mid u horseedaysa in ay ku guulaysato rabitaankeeda.
“Masaaridu waxay doonayaan inaan saxiixno heshiis aan caddaalad ahayn aniguna waan diidnay. Haddii ay isleeyihiin Itoobiya haddii aan saarno cadaadis diblomaasiyadeed heshiiskan ay danta ugu jirin wey saxeexeysaa waa midaan marnaba suuragaleyn. Biya xireenkana waxaa laga dhisayaa jeebka shacabka saboolka ah ee dalka Itoobiya. Marka biya xireenkan heshiis kasta oo ku saabsan oo la galayo haddii uusan ahayn mid aan xaqiijineyn faa’idooyinka waara ee ay biya xireenka iyo wabigaba ay ka leedahay inaan cadaadis iyo cabsi gelin u marnaba ku suuragaleyn.

Waxaase wanaagsan walaaladeen si deggan inaan u wada hadalno wixi aan isku diiddannahayna aan dabcinno wax walba waa dhammeyn karnaa. Itoobiya ma dooneyso arrinta Abbay iney noqoto xuddunta khilaafka iyo ismari waaga oo waxaan doonaynaa wabiga inuu noqdo mid iskaashi ku qotoma oo ay dalalku ka wada faa’ideystaan.

Korontada ay Itoobiya ka dhalineyso biya xireenka waxaa ka faa’ideysanaya Itoobiya, Suudaan iyo Masar waa haddii ay dooneyso. Itoobiya oo ah dal dadaal ugu jiro sidi uu dhaqaalahiisa uu u kobcin lahaa waxayna dooneysaa waddamada deriska la ahna iney horumar la mid ah garaan.”
Itoobiya ayaa rejjo ka qabta in wadahadallo oo wax laysugu ogolaado heshiis ku dhalan karo.
“Anagu waxaan aaminsannahay haddii la wada hadlo in la heshiin karo. Balse dhinaca Masar hal arrin ayaa laga sugayaa Biyaha aan isku hayno waa kheyraad ka dhaxeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan marka iney aaminaan iney Itoobiya xaq u leedahay iney kheyraadkeeda ka faa’ideysato uu yahay xaq lama taabtaan oo ay leedahay, wixi intaa ka soo hara ee lagu kala duwan yahay wadahadallo ayaa lagu dhammeyn karaa.

Heshiisna lama gaari karo ilaa uu dalba dalka kale xuquuqdiisa uu u oggoleen, gaar ahaan Masar waxay dooneysaa heshiiskii guumeysiga ee caddaalad darrada ku dhisnaa ee ay 1959-kii wada galeen Masar iyo Suudaan inuu sii socda rabitaanka ay u muujinayaan waa iney joojiyaan.

Wixii intaa ka baxsan Itoobiya waxay diyaar u tahay in wadahadal lagu dhammeeyo xoogagga seddexaad ee isku dayaya iney faragelin iyo cadaadis nagu sameeyaan ay faragelintooda joojiyaan.”
Wasiirka Arrimaha dibada itoobiya waxa la waydiiyey Waxaa jira warar sheegaya Mareykanku inuu Itoobiya ku cadaadiyey heshiis iney gasho maxay arrintaa kaga jawaabeysaa?

Waxaanu ku jawaabay: Marka hore Mareykanka wuxuu aad nooga caawiyey arrimaha lagu kala fogaa in la isaga soo dhawaado oo taasi ma aha mid la dafiri karo. Hase yeeshee, Mareykanka wuxuu rabay in heshiiska degdeg lagu soo afjaro oo ay degdeg u arkaan wadahadallada sanadaha badan soo socday oo heshiis lagu soo afjaray.

Annaguna waxaan iska taagnay heshiiskan ‘inaan degdeg’ lagu soo afjari karin maadaamaa uu yahay mid quseeyo masiirka jiilka hadda jooga iyo jiilka soo socdaba. Waxaan sida oo kale soo jeedinnay heshiis haddii la gaaraya iyo haddii kalaba iney go’aanku iska leeyihiin seddexda dal ee ay arrinta u dhaxeyso oo aan loo baahneen cid kale iney faragelin toos ah ku sameyso.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaana si gaar ah isugu dayay inuu nagu cadaadiyo waxyaaba aan raalli ka ahayn oo heshiiskaasi la xiriiro annagana waxaan u sheegnay iney sax ahayn oo aan aqbleyn.

Su’aal kale oo la waydiiyey ayaa ahayd Mareykanka iyo Bangiga Adduunka haddii ay dhexdexaadinta markale u soo noqdaan Itoobiya wax dhib ah kuma qabto miyaa?

Dagu Arndargachew: Wada-xaajood kasta oo la yeelanayo waa inuu ahaadaa mid ku saleysan mabaadiida, balse Itoobiya dhib uma aragto cidda dhexdhexaadinta ka qayb qaadaneyso iyo cidda ka baxeyso, waxaase marwalba in la ogaado u baahan doorka seddexda dal uu heshiiska u dhaxeeyo ay arrintan ku leeyihiin cid kale oo beddeli karto iney jirin.
Masar ayaa 90% biyaha ka heshaa Wabiga Abaay (Nile).
Xiisada u dhaxaysa labada dal ayaa saameeyey dunida carabta, isla markaana madmadow ka dhex abuuray wadamada afrika ee ku jira ururka jaamacada carabta iyo Itoobiya, sida Soomaaliya