Berbera News | Daily News Update

Masuuliyiin ka tirsan dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo Ceerigaabo kulan kula yeeshay Wasiirro Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan

Ceerigaabo- (Ogaal/Berberanews)- Masuuliyiin isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo Madax kale oo ka tirsan dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa shalay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag kulan kula yeeshay Wefti uu horkacayo Xildhibaan Cali Baashe oo ka tirsan Barlamanka Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo Weftiga ku weheliya socdaalkaas ay shalay kulan kula qaatay guriga martida  ee magaalada Ceerigaabo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulhada iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xildhibaanno, kuwaasoo muddo laba toddobaad ku dhaw ku sugnaa magaalada Ceerigaabo, halkaasoo ay u joogaan xal u helidda Xiisad colaadeed oo ka dhex oogan laba beelood oo ka mid ah beelaha wada degga gobolka Sanaag,  taaso ka dambaysay dil loo geystay Taliyihii Saldhigga Booliiska Daallo ee magaalada Ceerigaabo.

Imaatinka Xildhibaan Cali Baashe oo aan bulshadu ka war qabin ayaa shalay dadweynuhu ku war-heleen ka dib kolkii ay Suuqa ku arkeen gaadiid uu watay iyo Askar ilaalo u ahayd ama gaadh si xooggan u qalabaysan, halka dadka qaarkoodna ku warheleen ka dib markii Xildhibaanka iyo Weftigiisu la kulmayeen Wasiirrada Xukuumadda Somaliland ka tirsan. Intii lagu guda jiray Kulanka Xildhibaanka Baarlamanka Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ka tirsani Madaxda Somaliland la lahaa, waxa ilaaladiisu isku waageereen Aqalka Martida ee kulanku ka socday iyagoo uu ka muuqdo jawi dhiillaysan qaarkoodna isku dayeen inay gudaha la galaan Xildhibaanka Balse Askari ka tirsan ilaalada Maayarka Ceerigaabo oo ku sugnaa Kadinka Aqalka  Martida laga galo, ayaa Xildhibaan Cali Baashe u sheegay in Ammaanka Aqalka iyo Masuuliyiinta ku jirta ay iyagu masuul ka yihiin,  sidaas ayaa ilaalada Xildhibaanku kaga baaqsadeen inay gudaha u galaan aqalka Martida oo kulankaas laba geesoodka ahi ka qabsoomay.

Ma cadda waxa uu daarranaa iyo lagaga wadahadlay kulankaasi labada dhinac ee Weftiga Xildhibaanka Soomaaliya iyo Wasiirrada Somaliland yeesheen oo ay albaabbadu u xidhnaayeen. Hase yeeshee, waxaannu isku daynay xalay inaannu Wasiirrada Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali iyo Shaqada iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac wax ka weydiinno ujeeddada kulankaas iyo waxa lagaga wadahadlay, balse noomay suuragalin ka dib markii ay naga qaban-waayeen taleefannadooda gacanta oo aannu ka wacnay.

Hase ahaatee, balse wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ayaa tibaaxaya inay Wasiirrada ku adkaatay xal u helidda xaaladda amni ee faro ka baxa ku dhaw ee u dhaxaysa beesha geysatay dilka Taliyihii Saldhigga Daalo iyo Beeshu uu ka dhintay, sidaa darteedna Xildhibaanka Baarlamanka Soomaaliya iyo Xubnaha Safarkiiska ku weheliya ay miciin bideen si beesha gacan ku dhiigluhu ka soo jeedo oo gacanta ku haya dil-geystaha oo Xildibaanku kasoo jeedo ay u galagalaysteen si uu dhinaca beeshiisa ugu qanciyo in dawladda Somaliland gacanta laga soo geliyo gacan-ku-dhiiglaha dilka geystay.

Xigasho Wargeyska Ogaal.

Leave a Reply