Masuulkii xil ka haya xukumada Madaxweyne Muuse Biixi oo lagu xukumay 6 Bilood oo Xadhig ah

0

HArgeysa-(Berberanews)-Masuulkii ugu horeeyay ee xil ka haya, xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah.

maxkamada Gobolka Hageysa ayaa maanta ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah, Maareeye ku xigeenkii Dekeda Berbera, Cumar Abokor Jaamac.

maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay dembi anshax xumo oo lagu soo oogay Maareeye ku xigeenka Dekeda, Cumar Abokor Jaamac.

Cumar Abokor ayaa mudo laba habeen ah ku xidhnaa xarunta dembi baadhista CID ee magaalada Hargeysa.

Cumar Abokor Jaamac oo ahaa maareeye ku xigeenkii Dekeda Berbera ayaa noqonayaa masuulkii uguu horeeyay ee xil ka haya xukumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dembi lagu helo ka dibna xadhig lagu xukumo