Masuulliyiinta Hay’adda Dhowrista iyo maxaabsiga Maalgashiga Muwaadiniinta

0

Berbera-(Berberanews)-Dhawaan waxaa magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil laga furay Wershad soo saarta daqiiqda oo magaceeda la yidhaahdo “Al-wadaniya”.

Waa tallaabo horunarineed oo faaiido u leh guud ahaan Somaliland oo ay ka faaiidaysan doonan dad badan oo bilaa camal ahaa.

Balse waxaa isweydiin leh Hay’ayadda Dhowrista Tayada oo magac u yaal noqotay kuna maxaabsata shahaaado hunguriyeed ay waxooggaa dhaqaale ah kaga qaaadaan wershadaha yaryar ee muwaadiniinta ama ajaanibku dalka ka hirgeliyeen.

hadaba, Masuulliyiinka socda Hay’addaas oo Berbera ku sugan ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay maamulka Wershadda Daqiiqda ee Al-wadaniya, kuwaasoo weliba amaanay wax-soo-saarkooda’ tallaabadaas waxay tahay uun shahaado ay ku maxaabsadaan masuulliyinta Dhowtista Tayadu, waxaanay ina tusaysa inaanay garanayn shaqada loo igmaday iyo waajibaadka saaran.  Sababtoo ah wershaddu muddo ayay hadda shaqaynaysay oo wax soo saarkeedu dalka gaadhay – taasoo ina tusaysa in ay fashilantahay Hay’adda dhowrista Tayadu, waayo waxay ahay inay marka hore intaanay wershaduhu wax-soo-saarkooda bilaabin inay tayadooda hubiyaan. Laakiin wershado shaqaynaya ayaanu xafiiskooda ugu geynay shahaado sharaf waxay astaan u tahay sida madaxda Hay’addaasi ugu mameen laaluush ay dhaafsadeen shaqadii qarankani u igmaday.

halkan Hoose ka daawo muuqaalka shahaadada.