Maxaa Dhalliyey Isbeddelka ku Yimid Aragtida ay Dunidu ka Haysatay Jamhuuriyadda Somaliland?

0

WQ: Xuseen Cali Nuur

Waxa dib u soo noolaatay ahmiyadda ay dunida u leedahay marinka ganacsiga caalamiga ah iyo istaraatiijiyadda Badda Cas ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taal, taas oo hoos u dhacsanayd tan iyo dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti.

Waxa xoogaystay loolanka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha iyo tartanka ay ugu jiraan ku xoogaysiga xidhiidhka iyo sumcadda ay Afrika ku yeelan karaan.  Arrimaha caalamiga ah waxa kale oo soo if baxay in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal xor ah, dimuqraaddi ah, sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaashanaya. Jamhuuriyadda Somaliland oo aan dhaqaale buuran lahayn, duniduna waxa ay u qalanto iska dhego iyo indho tiraya; waxa ay u muujisay dunida, gaar ahaanna dalalka kaalmada bixiya in kaalmada ay bixiyaan ay ka maarmi karto haddii aan toos sidii qaran madaxbannaan aan loo siinayn- oo ay u soo marinayaan dalka Soomaaliya ee ay dariska yihiin. 

Jamhuuriyadda Somaliland waxay shirkii Jabuuti ay ku muujisay inay tahay dal xor ah oo xurmaysa, kuna dhaqanta heshiisyada ay la gasho dalalka kale oo aanay ahayn mid ballan furyo badan, sida dalka dariska ay yihiin. 

Xidhiidhka siyaasadeed, diblomaasi iyo dhaqaale ee ay la yeelatay dalka Taiwan, waxa uu soo jiitay indhaha caalamka, waxaannu daliil cad iyo markhaati u noqday bisaylka siyaasadeed ee shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo inay u madaxbannaan yihiin cidda ay xidhiidhka la yeelanayso. Xidhiidhka labada dal waxa uu soo kordhiyey,  daahana ka qaaday sumcadda Somaliland iyo ahmiyadda ay u leedahay istaraatiijiyadda caalamka iyo marinka ganacsiga ee Badda Cas. 

Waxa intaa dheer inay soo if baxeen ahmiyadda Somaliland oo sharafteeda iyo karaamada shacbigeeda in aqoonsiga xornimadeedu u leeyihiin qaaradda Afrika guud ahaan, gaar ahaanna nabadgalyada dalalka Geeska, waxaana taa markhaati u ah wufuudda heerka sare ee Masar ee markii ugu horeysya muddo 29 sannadod oo xor nahay dalka yimid. Waxa ku xigay dalka Itoobiya oo isaguna wefti la mid ah u soo diray dalka Somaliland- in kasta oo is waydaarsiga wufuuddu uu jiray – waxa ku cusub in Dowladda Itoobiya markii ugu horeysay in muddo ah safiirkeedii  Jamhuuriyadda Somaliland u joogay oo aanay magacaabin si degdeg ah u magacowday. 

Qaab dhaqanka lagula dhaqmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo taliska Muqdisho la saftay, waxa ay ahayd tallaabo diblomaasi ah, waxaana ka dhashay in wefti heer sare ah dalka Shiinaha oo aan Somaliland meel ay ku taallo iyo wax ay tahayba dafirsanaa uu yimaaddo Hargeysa.

Weftiga Shiinaha isku daygiisii inuu kula dhaqmo Somaliland, hab-dhaqameedkiisii caadiga ahaa ee uu dalal badan oo ku kala yaal qaaradda Afriaka, Laatiin Ameerika, labada badwayn ee Baasifiga iyo Atlaantiga kaga guulaystay in xidhiidhkii ay la yeesheen Taiwan ay ka noqdaan. 

Dhaqanka iyo bisaylka, isla mar ahaantaana jacaylka xornimo iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku kalifay in weftigaa Shiinuhu uu is afgarad la gaadho inay labada dal iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo horumar ay wada yeeshaan. 

Guulaha Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkan 2020, waxa ka mid ah in la dhqan-galiyo heshiiskii Maraykanka iyo Taiwan ee ku salaysnaa in Maraykanku xoojinayo xidhiidhka dhaqaale, nabadgalyo iyo diblomaasiyadeed  ee dalka  aqoonsiga siiya Taiwan. 

Dunidu waxa ay maanta dareensan tahay sumcadda wanaagsan ee khusaysa qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan leeyahay in isbeddelkan aragti ee caalami ee ku waajahan Somaliland inuu yahay mid u baahan in la kobciyo, lana koriyo. 

W/Q. Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.