Maxaa Ka dhashay xannibaadda xukuumadda Biixi hayso diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia.

0

Diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia oo laga leeyahay dalkaImaaraatka muddo-na ka shaqaynayay garoonka diyaaradahaHargaysa ayaa bishii March ee sannadkan u hoggaansamayamarkii dawladda Federaalka ay ku xannibtay hawadaSoomaaliya, waxa la xasuustaa in isla bishaas 19-keedii hawadalaga celiyay diyaaradda Fly dubai oo sidday rakaab kuna soowajahnayd garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa.

Diyaaradaha ayaa tiraba dhawr mar isku dayay in ay dib u bilaabaan shaqada balse xukuumadda Muuse Biixi oo kacadhootay amarkii ay u hoggaansameen ee dawladda FederaalkaSoomaaliya bixisay ayaa ka hor istaagay inay duullimaadyadiidib uga bilaabaan Hargaysa.

Boqollaal qof oo ka yimid waddamada galbeedka ayaa Hargaysaugu xanniban diyaarad la’aan iyadoo dunidu furfurantayusbuucyadii ugu dambeeyay, garoonka Hargaysana aan labaxidhin marka laga reebo duullimaadyada ka yimaada Muqdisho,badi dadkaas waxa keentay diyaaradda Fly Dubai oo la shaqeynaysa diyaaradda Emirates, mana jirto diyaarad kale ooDubai ku celisa si ay halkaas uga sii raacaan DiyaaraddaEmirates oo markii hore keentay Dubai.

Dadkan badankooda waxa ka go’ay saadkii ay siteen maadaamauu ku talo galkoodu ahaa in muddo kooban ay dalka joogaanbalse hadda dhinacna waa ay uga bixi kari la’yihiin waxaanaqaarkood lagu leeyahay kirada iyo kharashaadka huteeladii aydegganaayeen.

Diyaaradda Ethiopian Airlines wakiilkeeda Somaliland-nayahay wiil uu Abti u yahay Madaxweyne Biixi ayaa iyadu jaaniska heshay xannibaadda xukuumaddu saartay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia iyada oo kor u qaadday qiimaha in kabadan laban laab intii hore, waxaana hadda uu marayaa qiimahatigidhka halka mar ah (One way ticket) Hargaysa-Addis ababalacag ka badan $900 halka markii hore tigidhka labada dhinac ah (Go & Back) ee Hargaysa– Addis Ababa uu ahaa celcelis ahaanahaan inta u dhaxaysa $250 illaa $350.

Dadka muddada ku xanniban magaalooyinka Somaliland ayaabadankood ka habsaamay hawlahoodii halka qaarkood ay qoysaskoodii ka dayacmeen mana haystaan lacag ay isagabixiyaan ticket cusub oo diyaaradda Ethiopian Airline ah maadaama ay ka dhigtay qiimaha mid aad u sarreeya.

Sidoo kale waxa shaqo beel ah boqollaal dhallinyaro ah oo iyaguhaystay shirkadaha dadka u jara tigidhada (Travel Agencies) kuwaas oo la shaqeynayay shirkadaha Fly Dubai iyo Air Arabia.

Diyaaradahan ayaa waxa ay nolosha u fududeyn jireen qiimoaad u hooseeyana ku qaadi jireen dad badan gaar ahaanshacabka Somaliland iyo Puntland ee aadi jiray meelahadadkeenu inta badan u safraan sida Hyderabad oo dadkaxanuunsan loo qaado iyo ardayda aadda Turkiga,Bangladesh iyomeelo kale.

Go’aanka xukuumadda Biixi ayaa ah mid aan laga fiirsan ookhasaare iyo dhaqaalo bur bur usoo jiidi kara shacabka iskatamarta yar ee xaaladaha caafimaad u aadi jiray waddamadadibadda iyo weliba ardaydii jeebkoodu yaraa ee waddamadashisheeye waxbarashada u raadsaday.

Qalinkii: Muxiyadin Maxamuud Xuseen

Email: Masxaf44@gmail.com