Maxaa La Gudboon Madaxweyne Muuse Biixi?

0

W/Q;Cabdi Karim .M.Cade(Qaamuuska Qarniga)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Codsi u diray Golaha Baarlamaanka Somaliland. waxaanu ka dalbaday madaxwenuhu inay fadhi wada jir ah yeeshaan labada gole ee wakiilada iyo guurtida si ay ansixiyaan xeer madaxweyne oo xukun deg deg ah lagu saarayo sadex degmo oo ka tirsan gobolka sanaag.

Intaa kadib way  ajiibeen  golayaashu codsigii madaxweynaha waxayna maalintii shalay yeesheen labada gole fadhi wada jir ah, hasayeeshee waxaa ka soo baxay waxaan la filayn iyo looma fadhi.waxayna gaashaanka u daruureen dalabkii madaxweynaha iyo xukunkii deg dega ahaa ee uu rabay inuu saaro gobolka sanaag. Waxaa fadhigii labada gole ka soo xaadiray 107 xildhibaan markaasaa cod loo qaaday waxaanu gudoomiyaha baarlamaanka oo uu shirgudoominaya gudoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax Amray in ay farta taagaan inta xildhibaan ee ogol xukunka degdega ah waxayna noqdeen 38 xildhibaan . u qaadan waa ayaa ku dhacay gudoomiye baashe kadibna halkii uu cod qaadista ka sii wadi lahaa ayuu xidhay golahii markuu arkay in laga guulaystay.

Hadaba dhacdadan ayaa aad looga hadalhayay guud ahaan geyiga Somaliland waaayo waa markii u horeysay ee dalab ka yimi madaxweyne Somaliland ah lagu diido cod aqlabiyad ah.hadaba su,aasha iswaydiinta mudan waxay tahay maxaa keenay ama sababay waji gabaxaa uu la kulmay Madaxweyne biixi?

Ma waxaynu odhan karnaa Madaxweyne Muuse ayaa diiday inuu bixiyo sidii caadada ahayd lacag la siiyo xildhibaanada si ay u meelmariyaan dalabkiisa?ma xidhibaanada ayaa maanta baraarugay oo daacad noqday oo u damqaday  bulshada ay metalaan?.xagay mareen xildhibaanadii xisbiga kulmiye?

Hadaba marka xaqiiqada laga hadlo marnaba ma ay jirin fara madhnaan mana jirto taariikh togan oo arintan uu ku helayo Madaxweyne Muuse waayo iska daa wax kale Guurtida oo aan waligeed maya odhan ayaa maya tidhi.tanina waxay muujinaysaa oo sababay maskax guur siyaasadeed oo ka jira madaxtooyada iyo xukuumada madaxweyne muuse biixi.

Sida qaalibka ah xukuumadihii hore markay rabaan inay xeer meel mariyaan waxaa jiray qaab iyo dhaqan loola macaamili jiray golayaasha baarlamaanka.waxaana lagama maaraan ah in marka hore aad hayso xogta iyo macluumaadka gaarka ah ee xildhibaanada la rabo inay meel mariyaan mooshin aad wadato. Labada gole baarlamaan ee Somaliland waxay ka kooban yihiin 164 xildhibaan, dhamaantoodna waxaa jira macaamil ka dhaxeeya xukuumada iyo madaxtooyada iyo maslaxado xildhibaan  kasta u gaar ah oo uu rabo in loo meel mariyo oo kaga xidhan xaga xukuumada,maslaxadaasi ha noqoto kaalma dhaqaale oo xildhibaanku ugu baahan yahay xaaladiisa caafimaad taasi oo uu magan uga yahay madaxtooyada, ama waxay noqon kartaa agaasime uu rabo in loo magacaabo ama mashruuc uu rabo in la siiyo shirkad uu wato.

Arimahaas iyadoo laga faa,idaysanayo ayaa xildhibaan kasta gaar loogu sheegaa in la dhamaynayo hawshii kaga xidhnay xukuumada isna degdeg ugu codeeyo dalabka xukuumada. Xildhibaanku xisbiguu doono ha ka soo jeedo ee sidaas ayuu ku aqbali jiray meelmarinta  maslaxada madaxtooyada waayo waxaa ku xidhan maslaxadiisa gaarka ah oo aanu ka maarmi Karin.

Ha u qaadan markasta in la isticmaali jiray lacag kaash ah waayo xildhibaanku waa masuul oo waxaa uu u baahan yahay in la qanciyo sidaasaa gaar gaar iyo gooni gooni loogu qancin jirey oo midba wax loogu sheegi jiray mid mashruuc la hor qaado mid loo sheego in loo magacaabayo masuul uu watay,mid fiise caafimaad loo sheego in loo dhamaynayo.iyo mid naawilaad ku codeeyaba. Iyaba waa midh subxaana lee waxaa la waayay macal xildhibaanadii xisbiga kulmiye ku daroo xildhibaan qudha oo wax ka raajicinaya madaxtooyada marka laga reebo dhawr barri ayay hagaagi ku hawlgalay. Intaan  xeerku iman golayaaasha waxaa diirka lagaga saaray oo shucaac lagaga furay xukunkii degdega ahaa  baraha bulshada iyo warbaahinta aan xadka lahayn oo xukuumada muuse lagaga xoog badan yahay wax sababayba.

Dhanka kale  kooxda madaxtooyada iyo xukuumada madaxweyne Muuse  arintaa way ku margadeen waxaana ku dhacay majaro habow waayo ma hayaan macluumaadkii loo baahnaa iyo xogtii xildhibaanada labada gole iyagoo la diyaara inay lacag bixiyaan wayba bixiyeene ayaa waxaa ka xumaaday qaab ciyaareedka . oo waxaan jirin qorshe habaysan oo lagu hawl galo  taasi ayaa keentay inay ku qasbanaadaan oo ay qaataan talada baashe iyo balaaki ee ay dhabarka kaga jabeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Markuu talada dalka la wareegay, waxuu cidla kaga tagay xisbiyahanadii kulmiye iyo xubnihii ka tirsanaa xukuumadii macalinkiisii siyaasada ee siilaanyo ee sideeda sano dalka soo xukumaya. Ragaasi  oo lahaa khibrad iyo waayo aragnimo muuse anfici lahayd intuu socod baradka yahay.

 iska daa wax kale xataa xukuumadiisa kumuu soo darin xubnihii la soo jabay ee isaga awgii ay u qaaday seeftii madaxweyne siilaanyo oo uu ka mid ahaa Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Taasi waa ta keentay in la waayo meel ay mareen xildhibaanadii xisbiga kulmiye.

Geesta kale Waxaa jira Rag Miisaan Siyaasadeed leh oo aan ka tirsanayn xisbiga Kulmiye balse Muuse is barbar taagay wakhtigii Kaanbaynka Ragaasi oo kalsooni badan shacabka ka haystay aqoona lagu tuhmayay Muuse kuma soo darin xukuumadiisa waxaan raga ka mid ah Prof Samatar oo aad aragteen inuu fagaare kasta la joogo muuse wuu ka leexday Majarihii aanu isku ogeyn.

Taa badalkeedaa madaxweyne muuse waxuu soo dhisay gole wasiiro ah oo u badan xubno dhalinyaro ah oo aan saamayn siyaasadeed lahayn wax miisaan ahna aan ku lahayn bulshada xataa beelaha ay ka soo jeedaan oo aan u yeedhi Karin xildhibaan iska daaye caaqilka reerkooda. Waana ta keentay saluuga xukuumada muuse laga muujiyo ee ku saabsan saami qaybsiga waayo ma jiro shaqsi hebel la yidhaa oo beel qudha la hor qabto sida maqaarka ee waa wada baraar siyaasadeed.

Hadaba marka xukuumada madaxweyne biixi ayna xisbinimo ku shaqaynayn oo qamaamuurtii kulmiye iska daa inay taabacaane ay tabco la rabaan. Ee aanu keenin shaqsiyaad miisaan leh oo u dhigmi kara raga siduu ku hanan karaa kalsoonida shacabka iyo baarlamaanka ?

Madaxweyne Hadaad Ka tagtay Xisbiyahanadii Kulmiye Aqoon yahankii iyo ninkastoo talo iyo tusaale lagu tuhmayay waa iga su,aale:

Madaxweyne yaad la shawrtaa?

Ayaad kala shushubataan?

Sheekhaagu waa kuma?

Gebogebada Arimaha iyo kuwa kale ayaa iigu muuqatay sababta fashilka keentay wallow xogaha qaar sheegayaan in madaxweyne muuse ka laabtay xukunkii deg dega ahaa oo uu tixgaliyay go,aankii baarlamaanka baashena canaantay. Taas waxaa lagu macnayn karaa samir taag la,aaneed wallow taageerayaasha muuse isku qanciyeeen inay tahay qorshe cusub oo muuse keenay oo uu ku suulinayo dhaqankii ahaa dhaameelka loo luli jirey xildhibaanada.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Muuse Biixi  arintan waxay u tahay cashar haduu yahay mid cibro qaadanaya waa inuu talo iskugu noqdaa.

Madaxweyne suurto gal maaha in sidii sagaashankii loo fikiro oo bulshada loo xukumo maxaa yeelay waaqacu wuu is bedalay ee bidix midig ula soco .oo hadii wakhtiyadii hore bulshada wax loo yeedhin jirey imika waa bulsho baraarugsan oo kaa horeeya oo warkii ayaa xakamaha goostay oo waxay leeyihiin baro bulsho oo xogta nooc kasta la isku dhaafsado. Markaa wax baan u yedhinayaa ma soconayso ee waa inaad shacabka dhegaysataa oo ka jawaabtaa tabashadooda adigoo qancinaya.

Madaxweyne qaabkii wax lagu xalin jirey  qaaxo imika ma shaqaynayso  ee bacda iska fur oo keen siyaasad fur furan oo la jaan qaadi karta jiilka cusub.

Madaxweyne hadaad tidhaa hebel kastoo la tirsanayay,iyo qof kastoo la tuhmayay waan ka tagayaa oo taladii kaligaa isku koobto intaad isku xeerto wiilal yar yar oo baraar ah sideed rabtaa inay ku taaba gasho siyaasadaadu?

Madaxweyne taladii dalka adaa haya awoodii qarankuna gacantaaday ku jirtaa ee talo keen tasaruf leh oo tawfiiq leh oo lagula tacaalo tabashooyinka is barkan ee ay shacabku tirsanayaan.laakiin hadii xisbigii laga badiyey ee cadhaysnaa lala caytamo iga walee aanad kob cagaar leh ka soo caano dhamayn.

QALINKII; CABDIKARIM MUXUMED XASAN (QAAMUUS).

HARGEISA SOMALILAND.