Berbera News | Daily News Update

Maxaa Sabab U Ah Dib-Udhicii Shirkii Golaha Wasiiradda Ee Xukuumadda Somaliland?

Hargeysa(Berberanews)-Kulan dheer oo qaatey Saacaddo badan ayaa la Sheegay in Habeenkii Xaley ahaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,qasrigiisa Madaxtooyadda,(oo ah Guriga uu ka Degan Yahey Caasimadda Hargeysa) uu kulan Saacaddo badan qaatey kula yeeshay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiiradda.

kulankaas oo ahaa mid alabaabadu u Xidhnaayeen haseyeeshee,ujeedadiisa lagu Tilmaamay arimo xall loogu raadinayo, debecca ku yimid dhinaca Amaanka dalka iyo Soo noqnoqoshada Dagaal Beeleedka Ceel-Afweyn.

Xubnaha Wasiiradda uu Kulankani kalidda ku ahaa ayaa lagu sheegay,Warar xogogaal ah oo Shabakada Wararka Berbernews heshay in uu kaw ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo ay Madaxweyne Muuse Biixi isla lafagureen sidii ay Wax ugga baddeli lahaayeen Wakhti Xaadirkan Geedi Socodka Xukuumadda iyadoo ay jiraan Dhaliilo badan oo dhinaca Amaanka ah Waxaana kulankoodu qaatey Wakhti dheer,inkastoo ay isla qaateen Arimo la Xidhiidha in Wax ka baddel lagu Sameeyo Golaha Xukuumadda dhinaca Amniga iyo Ciidamadda iyo Golaha Wasiiradda laf ahaantooda, Waxa ay ilahaasi xaqiijiyeen in Saacadihii hore kulankooda ay inta badan isla fahmi Waayeen Qaabka isbadelka loogu Samaynayo Golaha Xukuumadda.

Dhinaca Kale Shacabka Reer Somaliland ayaa, mudooyinkii u Dambeeyay isla dhex marayay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu Ku Gacansaydhay Qorshe Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi usoo jeediyay kaas o ku sahabsanaa, in uu Wasaaradda ugu Wareejiyo Wasaaradd kale haseyeeshee, uu Siweyn uga biyo Diidey Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Arinta baajisey Kulankii Shir Khamiiseedka Golaha Wasiiradda Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa, Sabab u ah Kulankii daba dheeraadey ee ay Habeenkii xaley aheyd Wada qaateen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arimaha Guduhu.