Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Bilaabay Qorshe uu Ku Kala Fogaynayo Beelweynta Habarjeclo & Salaadiin Cusub oo uu Dhoob Dhoobayo .

0

Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Bilaabay Qorshe uu Ku Kala Fogaynayo Beelweynta Habarjeclo & Salaadiin Cusub oo uu Dhoob Dhoobayo .

Hargaysa ( ) Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo Mudooyinkii u danbeeyey Gucle orod uhu Jiray Hanashada Xisbiga Kulmiye ayaa Ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Gudoonka Xisbiga Kulmiye.

Siyaasigan Hanka Leh ayaa ugu horaynba Wuxuu Bilaabay inuu Kala Kexeeyo beesha uu kasoo jeedo ee Habarieclo Kadib Markii Duray Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Ah Gudoomiye Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye isla Markaana Ka mid ah Xubnaha Fara Ku Tiriska ah ee Kalsoonida Ugu Badan Ku Haysta Golaha dhexe iyo Golaha Fulinta Xisbiga Kulmiye .

Xaashi ayaa sheegay inaanu Maxamed Kaahin Waqtigan xaqba u lahayn inuu xisbiga Isku soo sharaxo isla markaana lasoo dhaafay xiligii uu Kulmiye Girgirka Qabsan lahaa taasoo ka cadhaysiisay Taageerayaasha Xisbiga.

Tan iyo xiligaa oo aanu Wasiir Kaahin Ka hadlin arintaasi isagoo Ilaalinaya In Beesha Habarjeclo Kala Jabto wuxuu taa Bedelkeeda Siyaasi Maxamuud Xaqiiqsaday inaan meesha waxba u oolin wuxuuna Bilaabay Qoraalo iyo odhaaho Facebooka ay ku Yaaciyaan Caruur isaga u shaqaysaa.

Wuxuu Markii danbe safar ugu baxay Dalalka dibada si uu dhaqaale ugu soo urursado Maxamed Kaahin Axmed oo isagu aan arintaas Ilaa Hada waxba Ka Ogayn Kana aamusay .

Dhanka kale Beesha Habarjeclo ayaa leh Geed la dhaho Garadag oo lagu Kala reebo siyaasiyiinta Balse Taa wuu ka Degdegay Ina Xaashi Maadaama aanay meesha waxba u oolin .

Taa Bedelkeeda waxaa uu Siyaasigani Dhoob dhoobayaa waqti xaadirkan Suldaan beeshiisa ah oo isaga i shaqeeya kuna soo beegmay waqtigan uu ololaha ku jiro kaasoo lagu Kala jebinaayo Beelweynta Habarjeclo .

Suldaankan oo lagu Magcaabo suldaan sharmarke ayaa noqonaya Suldaanka Beesha Barre Adaraxmaan oo ah Biciide iyo Cali Barre oo uu kasoo jeedo siyaasigan Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xisbiga Ucid laga kirayn doono isla markaana uu doontay Lacagtii Kirada isagoo Murashax ka noqon doona isla markaana uu Gudoomiye ka Noqon Doono Mid ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee somaliland .