Maxamuud Xaashi iyo Morgan waxay ka faa;iidaysteen Madaxweyne Silaanyo oo caafimaadkiisu aanu dhammayn-WQ Sakariye Awaare

0
Hargaysa(Berberanews)-tan iyo intii ka danbaysay labadii sanno ee hore oo Madaxwe Siilaanyo si weyn loou tuhmayay in uu u khuurinayo nidaamka maamul ee hannaanka dawladnnimo, waxa aan marna ba qarsoonayn in ragga maanta mindida daabkeeda hayaa ay aad isu dhuubayeen isuna ilaalinayeen hase yeeshee, ay wakhti xaadirkan isku ballaadhiyeen in ay taladii dalka sida ay doonaan ugu tagrri falaan, iyaga oo adeegsanaya awoodihii Madaxwenuhu ka seexday.

Shaki kuma jiro, in haykalkii dawladnnimo iyo maamulkii uu si toos ah faraha uga baxay, hantidii ummaddana si bilaa xisaab ah loo lunsaday, sababta oo ah shacbiga somaliland may dooran Maxamuud Xaashi Cabdi (Wasiirka Madaxtooyada) iyo Baashe Cawil Xaaji

Cumar (Safiirka Imaaraatka Carabta) oo Madaxweynuhu soddog u yahay, markhaati loo doonayaa ma jiro in manta ay gacanta ku hayaan talada iyo maamulka dalka ba sida ay doonaana ay ka yeelaan guud ahaan ba geeddi socodka nidaamka maamulka dawladnnimo ee golaha xukuummadda oo Madaxwene Siilaanyo qodobka sagaashanaad ee dastuurku u xalaaleeyey in aan cidina ku lammaanayn, taas oo xaaran maqdac ah iyo qayral sharci ka dhigaysa wax kasta oo awood Madaxweyne ah oo ay ka taliyaan, ku tagrri falaan, cid magacaabaan, cid xilka ka qaadaan, dekadaha iibiyaan, saldhigyo bixiyaan.

 
Si kasta oo ay tahay arrimahani waxa ay kuu caddaynayaan in labadaa masuul ee ay xusnnay Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Imaaraatku ay ka faa’iidaysteen Xiskii, xusuustii, maankii iyo miyirkii Madaxweynaha oo maqan ama seexday, waxaanay arrimaha noocan ahi summad u yihiin Taariikh xumo Madaxweyne Siilaanyo dhaxal u noqon doonta kutubtana u geli doonta, iyada oo raadraac u noqon doonta in wixii uu ka soo dagaallamay  ay noqonayaan wax uu u soo dagaallamay.
 
Imikana xaaladda uu Madaxweyne Siilaanyo ku jiraa, waa taas jaaniska siisay ee ay awoodihiisii ku shaqaysanayaan Maxamuud Xaashi Iyo Inankaa uu soddogga uu yahay ee Baashe Moorggan, Carruurtiisa intii u damqanaysayna ay la dul taaganyihiin “aabbo is casil”, Marxaladdan oo Siilanyo haatan ku sugan yahayna waa tii uu Siyaad Barre ku sugnnaa sagaashankii, mana aha mid dalka iyo dadka loo sii qarin karo in ka badan muddadii loo qarinayay.
 
Sakariye Saxardiid Axmed (Awaare)