Maxay Berbera Xuddun Ugu Noqotay Xukunnada Kooxaha Argagixisada iyo Budhcad-badeeda?

0

Maxamed Siciid Cabdillaahi(Xarrago)

Tifatiraha Shebekadda Berberanews


Berbera-(Berberanews)- Magaalo-xeebeedda Berbera oo ah xarunta dhaqaalaha dalka, ayaa labadii sanadood ee u danbeeyay xuddun u ahayd xukunnada dadka loo qabqabto falalka la xidhiidha hawlaha argagixisada iyo budhcad-badeeda ee lagu qabto meel kasta oo Somaliland ka mid ah.

Magaalada Berbera oo ay ku taal dekedda laf-dhabarta iyo halbowlaha u ah dhaqaalaha qaranka Somaliland,  ahna isha keliya ee ay ku tiirsantahay guud ahaan nolosha bulshada, islamarkaana ay ku yaalaan haamaha kaydka shidaalka dalka iyo weliba xarun cusub oo dhawaan laga yagleelayo magaaladaas oo loogu talogalay inay noqoto saldhigga amma marinka xidhiidhiya isgaadhsiinta Somaliland iyo caalamka intiisa kale, ayaa waxaan cidna ka qarsoonayn hallista iyo khataraha aan la dhaadayn ee kaga iman kara kooxaha argagixisada caalamiga ah iyo budhcad-badeeda dunidu ka qaylisay ee xukunnadooda xarunta looga dhigay. Kuwaasoo kooxdii u danbaysay ee budhcad-badeed ah laga soo qabtay Xeebaha Gobolka Sanaag maalintii doraad ee bishu ahayd 23 May 2011 dhegaysiga dacwadoodu ka bilaabantay maxkamadda Gobolka Saaxil.

 

Ilaa hadda si cad loo ogeyn sababaha rasmiga ah ee magaaada Berbera ee halbowlaha u ah jiritaanka dalka loogu qoondeeyay inay noqoto goobta keliya ee u astaysan xukunka cid kasta oo loo qabto falal argagixiso amma budhcad-badeednimmo, waxaanay maxkamadda gobolka Saaxil labadii sannadood ee u danbeeyay go’aan ka gaadhay dacwado kala duwan oo la xidhiidha falal argagixiso iyo budhcad-badeed, kuwaas oo xukunno kala duwan oo isugu jira dil, xabsi dheer iyo ganaax lacageed ku ridday maxaabiis tiradoodu gaadhayso 91 qof oo lagu helay falal argagiso amma budhcad-badeednimmo, dadka xukunnadaas lagu riday oo ay ku jiraan qaar maqan oo aan gacanta lagu hayn, balse la xaqiijiyay in ay ku lug lahaayeen falal argagixiso oo isugu jira kuwo la fashiliyay iyo qaar laga fuliyay gudaha Somaliland.

 

Arrintan oo sida muuqata halis weyn kaga iman karto magaalada Berbera kooxaha xagjirka ah ee xukunnadooda lagu fuliyo, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay weeraro qorsheysan oo aargoosi ah ku badh tilmaameedsadaan goobaha muhiimka ah ee ku yaala magaaladaas, sida dekedda, haamaha shiidaalka, maxjarada xoolaha nooli ka dhoofaan iyo Xarunta cusub ee isgaadhsiinta badda hoosteeda, kuwaas oo ay ka dhalan karto cawaaqib-xummo aan laga soo waaqsan oo ku habsata guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Berbera.

 

inkasta oo goobaha muhiimka ah ee magaalada Berbera, sida dekedda iyo haamana shiidaalka ay ku suganyihiin ciidammo feejigan, islamarkaana ku sugan goobo kala danbeeya, hadana waxaa cabsideeda leh  Berbera oo leh  bad iyo berri furan oo  kooxaha caddowga ahi u fududaynaya fulinta qaraxyo aargoosi ah oo waxyeelo culus geysan kara, arrintaas wer werka leh oo ah mid aanay dareensanayn xukuumadda Somaliland, islamarkaana aanay jirin siyaasad cad oo ay si dhammaystiran ugu sugayso ilaalinta ammaanka  goobaha ugu muhiimsan dalka ee dhaqaalaha qaranku ku dhisanyahay ka soo xeroodo

 

sidoo kale, masuulliyiinta gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, ayaan mar qudha soo hadal qaadin khataraha ka dhalan kara xukunnada is-daba jooga ah ee maxkamadda gobolka Saaxil ku fuliso kooxaha argagisada iyo budhcad-badeeda.

Waxa kale oo iyaduna isweydiin leh sababaha dhegaysiga iyo go’aan ka gaadhista dacwadaha la xidhiidha argagixisada iyo budhcad-badeeda loogu gaar yeelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Mr. Cismaan Ibraahin (Fanax), kaasoo aan garsoore kale ku wehelin mudadaa labada sanadood ah  xukunnada kiisaskaas xasaasiga ah.

 

Hadaba Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil Mr. Cismaan Ibraahin Suldaan (Fanax) oo aan  weydiiyay tirada kiisaska la xidhiidha falalka argagixisada iyo budhcad-badeedda ee uu dhegaystay labadii sannadood ee u danbeeyay, tirada dadka uu xukumay iyo sababta Berbera xudunta ay ugu noqotay ka-gar-naqa kiisaska xasaasiga ah ee xambaarsan halista wer werkeeda leh waxa uu yidhi, ” Tirada guud ee labadaas sannadood waa 72 qof oo loo xukumay hawlo budhcad-badeednimmo iyo 19 qof oo iyagana lagu helay hawlo argagixisnimmo oo ay ka fuliyeen gudaha Somaliland,.”

 

Guddoomiyaha maxkmadu isagoo ka jawaabaya sababta Berbera loogu doortay xukunnadaas waxa uu yidhi, “Sababta Berbera loogu doortay waxa weeye,  annaga waxa na xkuntaa maxkamadda sare, markaa iyagaa u qoondeeya kolba meesha la geynayo, sida sharcigu dhigayona  iyagaana xeer soo saara, iyagoo u eegaya sababaha nabadgelyada, meesha u dhaw soonaha kiisku ka dhacay iyo caddaalad inay goobtaa ka heli karaan.”

 

 

Qorshaha magaalada Berbera loogu xawilay xukunnada argagixisada iyo budhcad-badeeda oo bilaabmay sannadkii u danbeeyay ee maamulkii Madaxweyne Rayaale illaa hadana halkiisii ka sii socda, ayaan si dhab ah loo ogeyn sababta kiisaskaas xasaasiga ah ee hallista huwan xukunkooda loola doontay goobta ay ku yaalaan halbowlayaasha dhaqaale ee jiritaanka dalka iyo nolosha dadkuba  ku tiirsanyahay.

 

Si kastaba ha ahaatee, cabsida iyo werwerka aan dawlad iyo shiciba aan fiirada loo lahayn ee magaalada Berbera kaga soo fool leh fulinta xukunnada kooxaha ugu halista badan adduunka, gaar ahaan argagixisada iyo budhcad-badeeda oo ah mushkilad adduunku u maaro la’yahay oo aafaysay mandaqada bariga Afrika, siiba dalka deriska ah ee Somalia, ayaa su’aasha ugu muhiimsan ee in la ogaado u baahani waxay tahay sababta Berbera looga dhigay xudunta xukunnada kooxaha argagixisada? arrintaas oo haddii aan si deg deg ah qorshe iyo siyaasad cad loogu samayn horseedi karta halaag aan laga soo waaqsan karin oo ku habsada halbowlayaasha dhaqaalaha dalka.