Maxaynu u diyaarsanay daruurta curatay iyo Daadka roobka? Faallo. Saleeban Kalshaale

0

Qormo dhiiri-gelinaysa ka faa’idaysiga Biyaha roobka iyo cidhib-tirka carro-guurka deegaanka…

Mahad oo dhan alle ayey u sugnaatay inagu galaday nimcooyinkiisa kala duwan ee ay raxmada Roobka, nabad-gelyada iyo caafimaadku kamid yihiin, inaguna arsaaqay dheef iyo dhaqaale qof walba hayntiisa iyo helidiisa, waxaana dhamaanteen inagu waajib ah in aan u xamdi naqno mar kasta, marxalad kasta iyo meerto kasta oo aynu ku jirno xataa markay murug iyo cabsi inala soo deristo.
Mar labaadka, waxa bulsho ahaan inala gudboon in aynu fikir iyo fahmo ka yeelano maareynta geedi-socodka nololsha iyo la-tacaamulka maalmaha is-daba joogaa cimillooyinkooda, isla markaana aynu noqono umad kal iyo laab furan oo ka faa’idaysta deeqaha illaahay SWT uu bixiyo ee aanu kasab iyo ku mano-sheegasho u siinin khalqiga uu adduunka ku uumay.
Nimcooyinka alle ina siiyey, waxa kamida raxmada roobka oo udub-dhexaad u ah jiritaanka adduunyada, nolol ahaan, caafimaad ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhan kasta oo laga joogsado micnaha nololsha iyo horumarka caalamka ka socda, iyadoo aynu maanka ku hayno in aanay nololshu jirayn biyo la’aantood, biyuhuna ay yihiin kuwa uu rabi roobka inoogu shubay, kuwa dhulka laga soo saaro ha noqdeen amma kuwa Xareeda ah ee goor kasta oo uu Roob da’o daadka inagu dhaafa ha noqdeene.
Sidaasi darteed, todobaadkan waxa deegaamo badan oo kamida Somaliland ka curtay Roobka guga ay hogolihii u horeeyey 20-kii iyo 21-kii bishan March ka da’een meelo kamida gobolada Maroodi-jeex, Gabiley iyo Awdal, si’ aan kala go’ lahayna shantii maalmood ee u dambeeyey uga da’yey gobollo kale oo dhanka Bariga ah, sida Saaxil, Sanaag iyo Buuhoodle, magaalada Hargeysa-na Mayey iyo mirba ku maasheeyey labadii casho ee u dambeeyey.
Roobkan guga oo si lama filaan ku ah bulshada inteeda badan u curtay, ayaa haddana alle mahadi haka gaadhee u da’ya sidii dirir seermawaydo oo inta badan da’a bilaha April iyo horaanta May, halka raxmada iminka da’aysa sanisyahanada cilmiga deegaanku ku tilmaamaan Dirir daydo oo curta dabayaaqada bisha March.

Si kasta ha ahaatee, isweydiinta haddaba ina hortaallaa waxa ay tahay, maxaynu u diyaarsanay ka faa’idaysiga Roobkan? sidaynuse uga faa’idaysanaa” diyaarse ma u nahay dawlad iyo shacab-ba?, mase leenahay turuq iyo tagoog aynu ku meelaayno nimcadan uu alle inoo shubay?.
Dhamaan Su’aallahan jawaabtooda, waxa hortaalla calaamado dhowr ah oo ka soo noqonaya muuqaal-araggeena guud, hab-maamulkeena iyo habacsanaanteena dadnimo, wallow aan la xaqiri karin in ay qaar badan oo inaga mid ahi leeyihiin xadaarad ay ficil u bedeleen oo falcelin u ah waydiimahan.
Hase yeeshee, waxa hubaal ah in sanad walba Biyaha Roobka xadiga ugu badani iyagoo qulqulaya ay si howl yar inoo dhaafaan, kana baahanahay gu’ iyo jiillaal, sababtoo ah weel iyo wado aynu ku meelayno umaynu samaysan, waxaana taasi markhaati u ah muuqaalka magaalada ee marku roobku da’o illiiladaha yar yar ee mowjadaha daadku goosto, dhismeyaasha dhaadheer ee baliyadu hoostooda ka qodmay xareedu wadhan tahay iyo dooxyada ka dilaaca daaradaha guryaha.
Waxa kale oo dhibaato aan la dareensayn ah in guryaha casrigan la dhiso ay dumiyaan biyaha dushooda ku dhaca xilliga roobka, taasoo iyaduna in laga faa’idaysto biyaha roobka iska daaye mushkiladaynaysa raxmada uu alle SWT ina siiyey, waana mashaqo ku salaysan aqoonta dadka wax dhisa oo aad moodo in aanay isku jaan-goyn quruxda iyo raadhiiska dhismeyaasha.
Sidoo kale, waxaan gugii saddexaad u soo joogay masaajid ku yaalla Magaalada oo uu habeen Roob mahiigaan ahi burbur u geystay in maalinimadii uu xalay oo kale roobku miray laga waayey biyo lagu Wayso qaato, iyadoo sababtana lagu nisbeeyey in aan biyo loo shubin.
Geesta kale, waxaan si joogto ah u aragnaa meelaha dhirta lagu beero ee xafiisyada dawladda iyo guryaha waaweyn ee shicibku leeyihiin iyadoo biyaha qasabada dhirta lagu waraabiyo, iyadoo dhowr maalmood ka hor uu roob da’ay, taasoo ah xaqiiqo iyaduna jirta oo aynu beri iyo maalmo dambeba arki karno.
Dhamaan qodobadan waa ceebo iyo caqabado ka jira Magaallooyinka waaweyn badankooda, haba ugu darnaato caasimada hargeysa oo marka uu roobku helo noqota hoyga bilic-xumada iyo saxa xumada.
Marka ay sidaa yihiin magaalooyinkii ay ku noolayd bulshada loo tuhmayo aqoonta, cilmiga iyo ilbaxnimadu, waxa maskaxda ku soo dhacaya in ay magaalooyinka yar yar iyo miyiguna ka sii liitaan, inkasta oo loo tirin karo dad wax ka bartay waayaha ku gedaaman iyo wakhtiyada roob-waaga.
Dhanka kale, iyada oo aanay ujeedadu ahayn in la daboollo amma la dafiro horumar kasta oo laga sameeyey ka faa’idaysiga Biyaha roobka oo ay dawladdu fulisay amma shacabku keli iyo iskaashiba ku fushadeen, dhaliilsha aan sheegayna tahay xaqiiqo u jirta sida loo badan yahay, waxa ina soo maray sanado aynu silic iyo soomal-haad ka mudanay abaaro iyo xilliyo aynu roobbab mahiigaan ah daaddad ka dashay dad iyo duunyo ku waynay, alle kuwa iminka da’aya nusqaantooda ha inaga hayee.
Sidaasi, awgeed inaga oo ka jawaabayna goldaloolooyinka aynu kor ku xusnay, waxa lagama maarmaan ah inaynu u istaagno sidii aynu ugu weel samaysan lahayn biyaha miisaanka leh ee Roobka, loona dardar gelin lahaa siyaasaddaha dawladda ee ku taxaluqa, si uu deegaanku u helo biyo ku filan,loona joojiyo caro-guurka dhulka iyo waxyeellooyinka kale ee ay biyaha soconayaa u geystaan.
Qaabbabka looga faa’idaysanayana waxa kamida;
In dhismeyaasha daaraha ah caadigaa, dabaqyada dhaadheer iyo Jiingadaha loo sameeyo, biyo-shubeyaal iyo Majaroor biyaha dushooda ku dhaca uruuriya, guri kastana loo sameeyo berked amma Taangi weyn biyaha Majaroorku ugu dhacaan.
In la sameeyo Barmaamuj qaran oo lagu xidhayo biyaha dooxyada waaweyn qulqulaya ee badda ku darsama.
In Hay’adda dawladda ee ka shaqeeya biyuhu diyaariyaan qorsheyaal biyaha roobka lagu kaydinayo, si lamida mashruuca biyo-qabadka ah ee sanado ka hor laga hirgeliyey Dooxa deegaanka Xaraf oo ogaalkay ay ka cabaan xaafadaha Barakacayaasha ee Ayax1, Ayax2 iyo nawaaxigoodu.
Maxaynu uga faa’idaysan karnaa Biyaha roobka.
Marka aynu weel u samaysano, Biyaha roobka waxa aynu uga faa’idaysan karnaa siyaabo badan daruuri ah.
Dadka magaaladu waxa ay u isticmaali karaan wax allaale wixii aan ahayn cabitaan, sida Maydhista , dhismaha iyo Waraabka dhirta. waxa kale oo haddii la raaco nidaam lagu safayn karo Biyahaasi loo isticmaali karaa cabitaan.
Dadka beeralayda ahi waxa ay uga faa’idaysanayaan Waraabka beeraha, taasoo ay marka horeba u adeegsadaan biyaha roobka, haddii ay kaydka badsadaana waxa suurtogal ah in ay wakhti dheer isticmaalaan.
Dhinaca kale, mar kasta oo biyaha roobka laga faa’idaysto oo la kaydsado waxa hoos u dhacaya isticmaalka biyaha qasabada, taasoo madhxinaysa dhaqaalihii Qoysaska ee isticmaalka biyaha badan kaga bixi jiray iyo biyihii wakhtiga roob la’aanta lagu baxsanayey.
Waxa xaqiiqo ah in bulshada ku dhaqan meelaha howdka iyo sollanuhu ay lixda bilood ee xagaaga iyo jiilaalka ku nool yihiin xareeda ugu dhacda Berkadaha iyo harooyinka lagu duwo biyaha roobka.
taasina waxa ay ina tusaysaa in aan qabashada Biyaha roobku ahayn arrin sahlan.
Dhinaca Beeraha marka loo isticmaalayo biyaha roobku way uga faa’ido badan yihiin kuwa maaxda ah waraabka dalaga.
Gegebadii, guusha gacmaheena ku jira yeynaan gargaar shisheeye ka sugin, guullena ha ina garansiiyo oo gunnooyinkiisa hanoo balaadhiyo.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/Somaliland
Email: curad1986@hotmail.com