Maxkamadaha Gobolka iyo Racfaanka Maroodi-jeex oo Sii daayey Rag eedo Musqmaasuq iyo dhac ugu xidhnaa Hargeysa

0

Hargeysa-(Berberanews)-Waxay ahayd horraantii bishii feberwery ee sannadka 2019, wakhtigaas ayaa magaalada Berbera laga soo xidhay 5 qof oo la sheegay inay isugu jireen  shaqaale ka tirsan Baanka dhexe ee Berbara iyo Rag ka shaqeeya sarrifka lacagta, kuwaas oo lagu eedeyey inay dhaceen lacag dhan 878,3,000 milyan siddeed boqol  toddobaatan iyo siddeed milyan iyo saddex boqol oo kun oo lacagta Somaliland ah,  lacagtaas oo uu lahaa Baank dhaxe ee Somalilnd laantiisa Berbera.

5ta Nin ee ka mid ahaa  dadka lagu eedeyey inay musuqmaasuq kula kaceen baanka Berbera, ayaa muddo 2 bilood ah ku xidhnaa magaalada Hargeysa. Hase-yeeshee, markii danbe waxa lagu sii daayey sida la sheegay sifo sharciga baal-marsan maalintii Axadda ee toddobaadkii hore oo ku beegnayd 04/04/2019.

Sida warar xog-ogaal ahi xaqiijiyeen Maxkamadda  gobolka Maroodi-jjeex ee Hargeysa iyo Maxkamdda Rafaacnka ee isla Maroodi-jeex, ayaa sii daayey Ragga  lagu helay musuqmaasuqa iyo in ay si tuugo ah lacago uga la baxeen Akoontiyo Baanka Dawladda ee Berbera.

Haddaba Qodobka 6-aad ee xeerka musuqmaasuqa X|L38 wuxuu dhigayaa qof kasta oo ku gefa qodobkan;-

1: Lama damiinan karo

2: Xadhigga lagama iibin karo

3: Cafis Madaxwayne looma fidin karo.

Su’aasha lays weydiinayaa; waa goorma  ayuu sharciga dalku sarraynayaa? (Rule of law).

Madaxwaynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi hadallada diiwaanka u galay markii uu ololaha ugu jiray doorashadii madaxtooyada ee hoggaamita dalka uu ku guulaytay, ee bulshada Somaliland taageerada badan iyo codka ku siiyeen waxa ugu  waa waynaa  sharcigaa sarraynaya  iyo la dagaallanka musuqmaasuqa. Laakiin, waxa weli si xooggan dalka uga shaqaynaya xeer beegti amma xeer jajab, iyadoo uu madaxwayne Biixi ku dhawaad sannad iyo toddoba bilood talada hayo bulshada waxay ka war-sugaysaa in la hirgeliyo ku dhaqanka dastuurka  iyo xeerarka dalka.

Sidoo kale, waxa jira Xubno xilal ka hayey Hay’adaha dowladda oo eedo musuqmaasuq oo Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ku eedeeyey loo xidhay, balse siyaabo isku dhaw saldhigyada looga sii daayey maalmo iyo saacado markay xidhnaayeen, kuwaas oo aanay jirin maxkamad la soo taagay oo eedaynta loo xidhay kaga hor-caddaatay amma kaga hor beenoowday, waloow kuwani ay ka duwanaayeen oo la sheegay in dembigaas lagu helay, jawaabtooduna u taalla hay’adaha garsoorka ee fasaxay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata inaanay dowladda Somaliland oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyo ka go’nayn amma dhab ka ahayn in lala dagaallamo amma ugu yaraan wax laga qabto musuqmaasuqa Somaliland ragaadiyey, maaddaama oo aanay weli jirin cid si rasmi ah loogu maxkamadeeyey dembi musuqmaasuq ammaba eeddiisa loo cuskaday sharciga musuqmaasuqa ka yaalla, sidoo kalena waxay tallaabooyinka aan sharciga waafaqsanayn ee dadka eedaha musuqa loo xidhay ee la sii daayey iyagoon nidaamkooda sharci la dhammaystirini niyad-jab ku noqonaysaa Hanti-dhawrka guud ee Qaranka oo u muuqda mid awooddiisa iyo shaqada ay ahayd inuu u madax-bannaanaado is-baarooyin horyaallaan.