Maxkamadda gobolka Saaxil oo xukuntay Magafayaal isugu jira Somali iyo Yemen

0

Berbera(Berberanews)-Maxkamada gobolka Saaxil  ayaa xukuno kala duwan  ku riday rag kamida koox isku-dayday inay xeebaha gobolka  Saaxil ka tahriibinayaan dhallinyaro ay ka keeneen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Garsoore   Axmed Yuusuf  Cabdi  oo ka tirsan xukaamta maxkamadda gobolka Saaxil,  ayaa ku dhawaaqay xukunka nimankaas, waxaanu sheegay in laba ka mid ahi  u dhasheen  waddanka Yeman oo watay laash yar oo ay  sifo sharci darro ah ugu tahriibinayeen 7 dhallinyaro ah oo aad u yaryar.

Laba Mukhalas  oo  dhallinyarada tahriibinayey oo magacyadoodu kala yihiin Cabdi Cali Kaahin    iyo  Ismaaciil  Jaamac, waxay maxkamadu ku xukuntay min hal sanno  iyo lix bilood oo xadhig ah.

Siduu ku soo waramay weriye ka tirsan wakaaladda wararka Somaliland, waxa labadii nin ee laashka watay oo magacyadoodu kala yihiin  Maxamed Saalax Cali  iyo Naasir  Jaabir Saalim oo Yemaniyiin ah lagu xukumay min afar sannadood oo xadhig ah.

Waxa kaloo maxkamaddu xukuntay in lala wareego laashkii ay wateen iyo GPRSkii ay siteen labadaba.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukunno ku riday kooxda Dhalinyarada ah ee la doonayey in la tahriibiyo.

Xukunka Maxkamadda ayaa waxa loo cuskaday  qodobka  332aad ee  xeerka ciqaabta.