Maxkamadda Hargeysa oo xukun iyo ganaax ku riday Tifatiraha HCTV

0

Hargeysa-(Berberanews)–Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr (Cabdiqadir Coday ) ayaa maanta maxkamadda gobolka Maroodi jeex ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan oo Somalilandshiling  oo ganaax ah.

Wariye Cabdiqaadir Codey ayaa ah tifaftiraha Telefishanka HCTV waxaanu muddo laba bilood ku dhow ku xidhnaa xarunta Dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagu haystay laba war oo laga baahiyey telifishankaaasi.

Mudadii uu xidhnaa cabdiqaadir coday dhawr goor oo is xig xiga ayaa xanuun loo geeyay Dhakhtarka .