Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Komishanka ku ayiday Natiijadii hordhaca ahayd ee Doorashada Madaxtooyada

0

Hargeysa(Berberanews):- Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa Maanta si rasmi ah u shaacisay Natiijada kama dambaysta ah ee doorashadii Madaxtooyada oo dalka ka qabsoontay 13-kii bishan November ee aynu ku jirno sannadka 2017-ka, taas oo ay natiijadeeda ku-meel-gaadhka ah Guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen 21-kii isla bishan, isla markaana ay ku guulaysteen Musharrixiintii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee ka tartamayey Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa jagada Madaxweynennimo ku guulaystay doorashada 13-kii bishan Somaliland ka qabsoontay, halka uu Ku-xigeenna ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo booskiisa Madaxweyne ku-xigeenka ee uu toddobada sano iyo dheeraadka ku soo fadhiyey xejistay ama difaacday. Xisbiga Waddani oo loollankii ugu adkaa Kulmiye la galay ayaa Kaalinta labaad soo galay, Halka UCID kaalinta saddexaad galay, isla markaana halkii ugu hoosaysay ee uu intuu jiray gaadho ku dhacan doorkan intuu doorasho soo galay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa saaka si rasmi ah u shaaciyey natiijada kama-dambaysta ah ee doorashadii Madaxtooyada, taas oo ay Sabtidii toddobaadkan Maxkamadda u gudbiyeen Guddiga doorashooyinka Somaliland oo iyagu natiijada ku-meel-gaadhka ah shaaciyey, sida Sharciga doorashada iyo Qodobbo Dastuuri ahi waajibinayaan. Waxaanu awoodda ugu dambaysa ama natiijada kama-dambaysta ah ee doorashada Dastuurku siiyey Maxkamadda sare oo iyaduna sidii ay Komishanku ugu dhawaaqeen uun ugu dhawaaqday.

Haddaba, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa Warbaahinta qaarkeed faahfaahin ka siiyey qodobbada ay u Cuskadeen iyo Natiijada kama-dambaysta ah ee ay Salaasadii Maanta Rasmiga Maxkamad Sare ahaan u soo saareen, waxaannu Hadalkiisa iyo Faahfaahintiisa-ba, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-