Berbera News | Daily News Update

Maxkamadda Sare oo dhinac kale iskaga weecisay Lix Xildhibaan oo Xisbiga UCID dacwad ku soo oogay

Hargeysa(Berberanews):- Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa soo celisay Dacwad Xisbiga UCID u gudbiyey oo ka dhan ahayd Lix Xildhibaan oo ka tirsan Kuwa Golayaasha deegaanka dalka ugu jiray UCID oo bishii labaad shaaciyey inay ka baxeen UCID oo ay Kulmiye ku biireen, waxaanay Maxkamaddu amartay inay Dacwaddaas ka garnaqeeda leedahay Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyadu, waxaanay isla maanta Qareennada UCID difaacayey u gudbiyeen Guddigaas Maxkamaddu ku riixday.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ka tirsan Qareennada u doodaya Xisbiga UCID iyo Afhayeenka Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Somaliland, ayaa dhinac waliba geestiisa ka hadlay Dacwaddaas ay Maxkamaddu amartay in Guddiga diiwaangelintu ka garnaqo, ka dib markii ay Dacwaddaas isla gelinkii hore ee maanta markii ay Maxkamaddu soo celisayba loo gudbiyey Guddiga.

Waxaannu Warbixinta Warkooda iyo Hadalladoodaba Xubnaha dhinacyada Guddiga iyo Xisbiga UCID u hadlay-ba, idiinkku so ogudbinaynaan Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-