Messi Oo Qiray Inuu Taageere U Yahay Sir Alex Ferguson Kana Hadlay Kulanka Finalka

0

“Ciyaaryahanka Aduunka Ugu Wanaagsani Waxa Uu Ka Soo Bixi Doona Kulanka Finalka  Champions League”Messi

Xiddiga kooxda Barcelona una dhashay dalka Arjantiin ee Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday inuu taageere weyn u yahay tababaraha kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson.Messi waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu qeyb ka yahay kooxda Barcelona ee28-ka bishan May la ciyaari doonta kooxda Manchester.Messi waxa uu intaas ku daray inuu si weyn u tixgeliyo tababare Alex Furguson oo uu ku tilmaamay inuu yahay tababare weyn, islamarkaana leh khibrad sare.Isagoo la hadlayay wargeyska the Telegraph ayuu Messi sheegay in kooxda Manchester ay aad u adag tahay, oo aanay fududeyn sida looga badin karo, isagoo intaas ku daray in xilliga haatan la joogo kooxaha Barcelona iyo Manchester United lagu tilmaami karo inay yihiin kuwa isku awood ah oo aan kala yareysan.Ugu danbeyntii, Messi ayaa tartanka Champions League ee Horyaalka Qaaradda Yurub ku tilmaamay inuu yahay tartan aad muhiim u ah, marka laga soo tago kan koobka adduunka, isagoo intaas raaciyay in ciyaaryahanka ugu fiican adduunka laga heli karo tartankaas.“Rajada aan ka qabo inaan ku guulaysanno finalka, waa mid weyn, waxaana aammin sanahay in haddii aanay ciyaarta noqon nin iyo nin (man-to-man), islamarkaana aan la isu jillaafeyneynin, aan wax badan sameyn karo, Ciyaaryahanka aduunka ugu wanaagsana waxa laga helaya ciyaarta Finalka ee na dhexmari doonta anaga iyo Manchester United”. ayuu ku soo gabagabeeyay Lionel Messi.

Mutafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com