Mid ka mid ah Raggii Looga Shakisana in ay Weerareen Dukaamadii Kenya oo la Ogaaday inuu Taageero Kooxda Chelsea

0

Qubane-(Berberanews0-Mr. Xasan Cabdi Dhuxulow  oo ka mid ahaa ragga Somalida ahaa ee looga shakisana in ay weerar ku qaadeen xaruntii ganacsiga ee dalka Kenya ayaa la ogaaday inuu aad u taageero kooxda Chelsea, iyadoo la baahiyey sawirro uu xidhan yahay garamaanta kooxda Blue ku ciyaarto.

boon

Wiilkan asal ahaan u dhashay Somaliya, kuna noola dalka Norway, da’diisun aahayd 23 jir waxa cadeeyey inuu isaga yahay dad ay jaar ahaayeen oo kamarada amniga ee CCTV ka arkay sawiradiisa.



………………

Wiilkan yar waxay wararku sheegayaan inuu gurigiisa oo ku yaal magaalada Larvic ee dalka Norway ka tegay sannadkii 2009, halkaas oo uu ku biiray kooxda Al Shabaab, waxaana la rumaysan yahay in wiilkan yar xidhiidho la sameeyey Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo loo yaqaan Ikrima, kana mid ah hoggaamiyayaasha ugu halisaysan Al Shabab.