Milan oo u Hanqal Taagaysa Hamsik

0

kooxda Ac milan ayaa lagu soo waramayaa inay u Hanqal taagayso inay keento xidiga kooxda Napoli Marek Hamsik kadib markii la sheegay in Pirlo uu isaga tagaayo kooxda Milan.

sida uu qoray wargayska Gazzetta dello Sport, ayaa sheegay in Milan ay ku celisay codsigeeda ah inay la wareegto Marek Hamsik iyadoo uu diidan yahay gudoomiyaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis. Qabiirka soo iibsiga xidigaha kooxda Ac Milan Ahna gudoomiye xigeenka kooxdaas Adriano Galliani ayaa sugaya inuu Marek Hamsik calaamad u noqdo oo uu u dhaqaaqo wuxuuna wada hadlo xasaasi ah kala yeelan doonaa dhigiisa Napoli. Galliani ayaa aaminsan in Marek Hamsik uu yahay mid liis sare kaga jira soo dukaamaysiga iyo xoojinta xulka Ac Milan xilliga soo aadan ee Tababare Massimiliano Allegri. sidoo kale Ac milan waxay doonaysaa xidiga kooxda Udinese ee reer Ghana Kwadwo Asamoah laakin xidigaan ku ciyaara garoonka Friuli ayaa lagu qiimeeyaa 20 Milyan. Ahmed A.Mooge. Muqdisho-Somalia.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com