Mourinho oo shaaca ka qaaday inuu danaynayo ciyaaryahan Ibrahimovic

0

Tababaraha Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqay inuu si weyn u doonayo inuu markale tababare u noqdo kuna dagaal galo xili ciyaareedka soo socda ciyaaryahanka reer Milan Zlatan Ibrahimovic. Mourinho wuxuu doonayaa  xagaagan inuu soo xero galiyo ciyaaryahanka Qaranka Sweden isagoo si wanaagsan ugaranaya qaab ciyaareedka Ibra uuna aad ugu helo. Mourinho oo ka hadlay qaab ciyaareedka Zlatan ayaa cadeeyey inuu laba horyaal ka hor 2009 – kii tababare u ahaa isla markaana ay Horyaalka Talyaaniga isla qaadeen waagii ay wada joogeen Inter inkastoo uu ka doortay inuu ku biiro Barcelona taasoo sannad ka dib uu dib ugu soo laabtay garoonka Jusepa Meazza oo uu koobka Horyaalka la dheelmaday.Madaxda Real Madrid ee soo iibisa ciyaaryahanada ayuu ku wargaliyey in bartilmaamadkiisa koowaad ay tahay in Ibrahimovic loo keeno xerada Madrid. Milan oo ciyaaryahankan ugu fadhiya €24m ayaa laga yaabaa inay ku badalato Kaka oo boos joogto ah ka waayey kooxdiisa R. Madrid.Si kastaba ha ahaatee su’aalo la weeydiiyey wakiilka Zlatan ayaa ka gaabsaday dalabka Real ee ku saabsan inuu markale soo caga dhigto wadanka Spain.”Hadii Milan loo soo bandhigo lacago ay raali ku tahay oo ay doonayso inaay iska iibiso aniga waan tixgelinayaa waliba Real kaliya maahan dalabka waxaa nasoo gaadhaya codsiya kala gadisan sida Manchester City oo iyadu doonaysa inaay ku badalato Mario Balotelli oo si aad ah u taageera Milan balse wali ma cada cida ay Milan ku wareejin doonta iyo inuu sii joogi doono garoonka Sanserio”.ayuu yidhi Wakiilka Zlatan Ibrahimovic.Zlatan laftiisa ayaanan wax war ah kasoo bixin dalabyada ugu imaanaya tababarada hore, Ibra wuxuu nasiib u leeyahay hanashada Horyaalada wuxuuna ku guuleystay horyaalka Holland Ajax, Horyaalka Talyaaniga Juventus inkastoo laga ganaaxay koobkaasi, isla horyaalka Talyaaniga Inter oo saddex jeer uu kula guuleystay, Barcelona oo horyaalka Spain uu la qaaday iyo ugu danbayntii uu horyaalka sannadkan la qaaday Milan.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com