Mudaharaad ka dhacay magaalada Dila ee Gobolka Awdal

0

Borama (Berberanews)- Mudaharaad xoogan oo rabshado wata islamarkaana lagaga soo horjeedo Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay ka dhaceen degmada Dila ee Gobolka Awdal.

Dadwaynahan kala duwan ee isugu soo baxay Mudaharaadka ayaa waxa ay gabi ahaanba xidheen isku socodka magaalooyinka Hargaysa iyo Boorama waxaanay dalbanayeen in la soo daayo laba wiil oo u dhashay degmadaasi oo lagu kala xidhay magaalooyinka Boorama iyo Gabiley.