Muj. Ibraahim Dhagaweyne Oo Dhaliilay Go’aankii Baarlamaanku Ku Ogolaaday Damaca Xukuumadda Ee Saldhiga Milatari

0

(Berbera news) Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne), ayaa dhaliilay go’aankii ay Baarlamaanka Somaliland ugu codeeyeen in Imaraadka carabta Saldhig Milatari lag siiyo magaalada Berbera, waxaanu sheegay in qorshahaasi Xukuumaddu wadatay uu dhaawac ku yahay jirtaanka iyo qaranimada Somaliland.

 

Ibraahim Dhagaweyne waxa kale oo uu dhaliiyay hadalkii Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ku sheegay in Xukuumadd ahaan ay la mawqif yihiin xulifada dagaalka kula jirta Xuutiyiinta dagaalka kula jira dawladda Yemen.

Halkan ka daawo warkan oo faah-faahsan.

Berbera news.