Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo War-saxafadeed Ka Soo-saaray Xayiraadda Saddex Jirsatay Ee Saaraan Wargeyska HAATUF

0

(Berbera news) Wargeyska Madaxabanaan ee Haatuf ayaa toddobaadkan ku saddex jirsaday xayiraada saaran.

Munaasibad lagaga hadlayay xadhiga iyo xayiraada wargeyska saaran, ayaa waxa khudbad ka jeediyay guddoomiyaha iyo aasaasaha Haatuf Media Network Mujaahid. Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan “Haatuf waxay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku xidhay warar iyo faalooyin uu wargeysku ka qoray arimo musuqmaasuq oo uu ku kacay wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo inay Madaxtooyada Somaliland sidaas raali kaga ahayd.

Qodobka labaad ee ka halisaysnaa ee Haatuf galaaftay waxa uu ahaa in awoodii Madaxweynaha dalku ay gacanta u gashay dad aan la dooran taas oo ay Madaxtooyadu kaga jawaabtay inay 7/4/2014 albaabada u laabto xaruntii Shabakada Warbaahinta ee Haatuf (Haatuf Media Network).

Go’aankan lagu xidhay Haatuf waxa wada-gaadhay xubno ka tirsan qoyska Madaxtooyada. Wakhti yar kadib markii wargeyska la xidhayna waxaanu xog dheeraad ah oo aanu helnay ku ogaanay inay go’aan ku gaadheen in aanay Haatuf soo bixin intay dalka taladiisa hayaan (eeg www.haatuf.net). Si qorshahaasi ugu fulo waxay noqotay inay falawgeed qabtaan sidii mulkiilaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyska Axmed Cali Cige loo saari lahaa Maxkamad sawir ah oo soo saarta xukun aanay mudadiisu cayinayn (indefinite) oo lagu xayirayo Wargeyska Haatuf.

Xukun qarqooshkaa tuugiina xaq-siinaya kii tuuga soo sheegayna dambiilaha ka dhigaya waxa dacwadiisa qaaday Garsoore Asad Nuur Cilmi Iyo Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hargeysa ee xiligaa Faysal Dhago-dhago oo daaha dabadiisa ka hagayey. Labada garsooreba waxay ahaayeen laba nin oo ku caan baxay laaluush qaadashada.

Dambiyada cajiibka ah ee uu Dhago-dhago gali jiray waxa ka mid ahaa isagoo qaadan jiray magta Oromada ku geeriyooda shilalka gaadiidka ee uu ku xukumi jiray mulkiilayaasha baabuurta. Faysal iyo Asad may mahadin oo siday musuqmaasaqii u wadeen ayaa waa dhaweyd labadoodiiba shaqadii laga eryey.

Cida la dacweynayey ee ay Madaxtooyadu dhibsanaysay waxyaabaha lagu soo qoro ee ay doonayeen in laga xidho ilaa intay xukunka ka dagayaan waxa ay ahayd wargeyska Haatuf ee Afsoomaaliga ku soo baxa.

Hase yeeshee mar dambe oo siday doonayeen Haatuf loogu xukumay ayaa waxay ogaadeen in Shabakada Warbaahinta ee Haatuf lafteedu soo saarto labada Wargeys ee kale ee The SomalilandTimes iyo Al-Haatif al-Carabi, Sidaa darteed waxay Madaxtooyadu amar amar afka ah ku bixisay in labadaas wargeysna xayiraada lagu daro, isla markaana xarunta saddexda wargeysna ciidan la dhigo taas oo uu Taliyaha Bileysku u fuliyey.

Hadaba waxa maanta isweydiin leh labadii arimood ee ay Haatuf soo bandhigtay ee lagu qabsaday wax ma laga arkay saddexdaa sanadood ee ay xidhnayd mise Wargeyska ayaa xukuumada Siilaanyo ka gardarnaa oo ka been sheegayey?.

Hadii aynu soo qaadano arinta hore ee musuqmaasuqa Wasiirka Macdanta waxaynu maanta ka war haynaa mashaqooyinka ka soo baxay mashruucii shidaal baadhista ee saddexdii sanadood ee wargeysku xidhnaa dalka ka dhacay sida fadeexadii ay dalka kaga baxday Shirkadii Genel Energy iyo iska-horkeenka shirkadaha shidaal baadhistu ku sameeyeen beelihii degenaan jiray dhulkii ay wax ka baadhayeen, sababtayna in xuduud-beeleed ka dilaaco dhulkii la wada degenaa.

Si dilaal yar oo dibada la dhigto loo qaato waxa la gaadhay heer maanta dadkii abaartu ku habsatay ee surmiga biyo la’aantu haysay in laga xagaafo geed-geedkii sii taagnaa ee ay milicda ka hadh-gali lahaayeen oo la yidhaahdo shidaalbaa dhulka laga baadhayaa.

Haatuf waxay ka digaysay barigaa beenta noocaas ah iyo balanbalka uu wasiirkaasi dad iyo duunyaba ku samaynayey ee aanu uga tudhayn.

Si uu muraadkiisa u gaadho wasiirkaasi waxa uu caadaystay inuu mar walba cid ama beel gaar ah ku eedeeyo inay diidan yihiin shidaal baadhista oo uu dabeeto ciidamo ku saaro si uu ugu dado musuqmaasuqa uu ku jiro.

Qodobka labaad ee Haatuf lagu qoonsaday wuxuu ahaa awoodan dad aan la doorani ku amar ku taaglaynayaan oo baryahaa kaba sahlanayd siday maanta tahay.

Waxaad ogtihiin in awoodahaasi ay gaadheen heer ay maanta dalka ku soo galiyaan ciidamo shisheeye. Isku soo xooriyoo saddexda wargeys ee Haatuf waxay u xidhan yihiin maaha dhib ay qaranka u geysteene waa tibaaxo ay ka muujiyeen musuqmaasuq iyo awood maroorsi ay ku jiraan dadkaa aan la dooran ee naftooda ugu danaynaya awoodii Madaxweynaha la maydhaamay ee lagu saxeexayo heshiisyada qarsoon ee lala galayo shisheeyaha dan-layda ah.

Laakiin inay Haatuf danta guud waxyeelanaynaysay iyo inay gaadh ka ahayd reer Somaliland ayaa ka marag furi doona oo aanu u dhaafi doonaa, taariikhduna qarin mayso oo nin waliba madax iyo mijoba ar-dambe ayaa la isugu iman oo lagu xisaabtami doonaa goor aan dheeraynba, oo dad maanta Taaj saaran yahay ayaa shacbiga cambaaro ka yeelan doona.

Ugu dambayntii fariintayada ku aadan shacbiga reer Somaliland waxay tahay inay ogaadaan maamulkan wargeysyo la xidho iyo xaqul qalin la qaato horumarka ku sheeganaya, in dad uga waxtar badnaa horumarka wadanka iyo dhismihiisaba ay saddex sano oo cir Alle ka baryey ku hoos cadilanyihiin oo laga horjoogo gurigoodii iyo qalabkoodii u yaalay ee ahayd hantidooda gaarka ah ee ay xaqa u lahaayeen inay hawlo kaleba ku qabsadaan.”

Berbera news.