Mulkiilaha Kooxda Al Amiir Oo Si Xeel Dheer Uga Hadlay Tartanka Heerka Labaad Iyo Kooxaha Hoos Yimaada Naadigiisa

0

Mulkiilaha Kooxda Al Amiir Oo Si Xeel Dheer Uga Hadlay Tartanka Heerka Labaad Iyo Kooxaha Hoos Yimaada Naadigiisa Mulkiilaha Kooxda Al Amiir Liiban Ismaacil Mowliid kana mid ah todobadii xubnood ee uu Madaxweynuhu u soo magaacabay komishanka xuquuqul isaanka ayaa sheegay sababta ku kaliftay inuu aasaaso Koox kubada cagta ah, waxaanu sidoo kale si qoto dheer uga hadlay tartanka heerka labaad ee xidhiidhka kubada cagtu qabteen dhawaan. Haddaba Mulkiilaha Kooxda Al Amiir Liiban Ismaacil Mowliid oo shalay Wargeyska Saxansaxo u waramaya ayaa hadalkiisi ku bilaabay “ waxaan ahay Mulkiilaha Naadiga Al Amiir Club, waxaana aasaasay Kooxdan 2009, waxaana igu dhaliyey iguna kalifay in aan aasaaso Kooxdan in maalin aan arko laba ciyaaryahan oo isku haysta maxaad goolka u dhalin wayday, waxa kale oo igu dhalisay in aan sameeyo kooxdan marka aan arkey baahida ay Dhalinyarda reer Daami u qaban kubada cagta, imika Kooxaha Al Amiir iyo Shuba waxa hoos yimaada koox aad u yar yar oo ay ka mid yihiin New Star, Dhanbaal iyo Al nihaaya, waxaana gacanta ku haya oo kooxdayda hoos yimaada 120-ciyaaryahan oo sagaashan ka mid ah aanay qaangaadhin, dhab ahaana anaga oo wax yar jirna ayaan haddana odhan kara kooxaha hoos yimaada kooxdayda kooxda ugu yar ayaa haysta afar koob, waxaana dhihi karaa Xaafada Daami wey ka mashquushay Balwadihii foosha xumaa, waxaana sidoo kale amaan balaadhan u soo jeedinaya Kooxaha ka dhisan Xero Awr oo iyana runtii horumar balaadhan ka gaadhay ciyaaraha, taas oo laba kooxood oo ka mid ah kooxahaygu ay ku soo kale qaadeen garoonkooda koob”. Mar uu ka hadlaayey Liiban Ismaacil koobka heerka labaad ayaa waxa uu yidhi “Koobkan imika socda ee heerka labaad ee ay qabteen xidhiidhka ciyaaraha kubad cagtu waxa aan dhihi lahaa waa koob qiimo badan oo waxa ku jira 90-kooxood, oo ka kooban min 20- ciyaar yahan, taas oo la dhihi karo guud ahaan ciyaaryahanada ka qayb galay waa 1800 oo ciyaaryahan, marka talaabo wacan ayey ku talaabsadeen xidhiidhka kubada cagtu, guud ahaana imika tartanku waxa uu socday muddo dhan 16-cisho, lacagta ay hayeena wax ay ahayd 6700-doolar, marka xaq maaha in ay imika yidhaahdaan lacagtii ayaa dhammaaday, taasina waxaan dhihi lahaa waa farsamo xumo dhankooda ka timid, oo u baahan in dib u sax lagu sameeyo”.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com