Mursi: Anigaa ah madaxweynaha Masar

0

BBC-(Berberanws)-Xaakinka dhagaysanayay dacwadda madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar ayaa dib u dhigay dhagaysiga dacwadda oo sii socon doontaa bisha January ee sanadka soo socda.

Maxamad Mursi ayaa diiday nuu xidho lebiskii maxkamadda, isagoo sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga.

Waxaa maxkamadda lala soo taagay 14 ka tirsan hoggaamiyayaasha ururka Ikhwanul Muslimiinka,kuwaasoo dhammaantood loo haysto in ay dileen dad dibadbaxayay xilligii uu Mursi xukunka hayay.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in dacwadda muddo kooban kaddib dib loo dhigay.


MursiMaxamad Mursi oo ka soo degayo baabuurkii geeyay goobta maxkamadda 

Qareenada difaacayay Mursi ayaa la sheegay inay ku dhawaaqayeen erayo lagu taageerayo Mursi.

Lebiska maxkamadda

Mursi ayaa diiday inuu xidho lebiska maxkamadda.

Horey ayuu Mursi u sheegay in uusan aqoonsanayn in xilka laga qaaday.

Taageerayaasha Mursi ayaa ku baaqay isu soo bax ballaaran.

Dibedbaxyo ayaa lagu qabtay meel dibedda ka ah xarun ay boliisku leeyihiin oo ay ka furantay dacwadda Mursi.

Militeriga Masar ayaa Mursi xilka ka qaaday billawgii bishii Julay ee sanadkan kaddib dibedbaxyo ballaaran oo looga oo horjeeday xukunkiisa.

Lama garanayo halka lagu hayo Mursi tan iyo xilligaas.