Muuqaalo iyo Weedho fasiraya waxyeelada ABAARAHA Deegaamada Xeebaha SAAXIL iyo Baaq…

0

Berbera-(Berberanews)-Guddiga Abaaraha ee Gobolka Saaxil iyo xubno ka tirsan Gollaha Deegaanka Berbera ayaa ka deyriyey xaaladaha dad iyo duunyo ku sugan yihiin, baaq dheerna u diray shacabka Somaliland taakulayntooda, ka dib kormeer ay ku soo mareen deegaanada xeebaha Barriga ee waxyeelada ka soo gaadhay abaarahu saameeyeen ee gobolka Saaxil.

Wefdiga oo sheegay inay soo mareen deegaano kala duwan oo ku dherersan xeebaha Barriga Saaxil ayaa sheegay iay ku soo arkeen waxyeelada dhimasho ee soo gaadhay noocyada kala duwan ee muwaashiga oo u badan Adhiga, Idaha iyo geela, halka sidoo kale muuqaaladooda laga akhrisanayey tacabka iyo diifta ka muuqatay dadweynaha kala duwan ee deegaanada ku sugnaa.ssss eee

Qaar ka mid ah dadka ku sii hadhay deegaamada oo baddi dadkii degenaan jiray ka hayaameen oo ka hadlay ayaa yidhi,

“iska agjoog, oo isaga raxanraad oo waraabi mooyee, inta hadhay, faalo ma laha, wax la qasho iyo wax la iibsado midna ma laha. Xoolaha dhimashadoodu tiro ma laha,

https://t.co/bdq2ZWFwwU

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland