“Muuse Biixi Culimadii iyo Odayaashii Ergada ugu Tegay wuxuu ku yidhi ..” Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan

0

“Lacagtii Ka Soo Kabashada Abaaraha ee Bulshadii Abaaraha Ku Tabaaloobay  Loo Ururiyey Xisbiga Kulmiye ayaa loogu ololaynayaa, Kulmiye ayaa la weydiiyaa.. Sicir-bararka Kulmiye kama hadlo… Mustaqbalka Dhalinyaradaa la weydiinayaa, haddii Kii Shalay Colaadda idiinku baaqayey maantana idiin baaqo waa ayaan-darro, Gacantiinnuu Mustaqbalku ku jiraa… Annagu Markaannu Xukuumadda joognay Siyaasadda Kulmiye ayaannu ku shaqaynaynay… Muuse Biixi-na waakii Shaanida ku Tuurayey Madaxweynaha…Muusena- waa MUUSE-ABAAR Oo Markii la sharraxay Abaar baa innagu bilaabantay…” Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Burco(Berberanews):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hagoogta ka qaaday Hadimooyin uu sheegay inay ku xidhiidhsan yihiin Taariikhda Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi.

Xirsi waxa uu hal-hal u sheegay qaar ka mid ah Hadimooyinka uu sheegay inuu Muuse Biixi shacabka Somaliland iyo Xukuumadda talada haysa ee maanta dhisaysaba kula kacay iyo inuu ku kacay fal amni-darro oo uu noqday Dagaal-ooge, Somaliland dagaal sokeeye ka riday.

Waxa uu Hoggaamiye Xirsi, sheegay inay Maanta Burco Joogaan Culimadii iyo Odayaashii Ergada ugu tegay Muuse Biixi oo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ah 1994-kii oo Burco Safar ku tegay, kuwaas oo uu ku diiday ergadii nabadeed ee ay ula tageen, isla markaana ugu jawaabay hadday rabaan inay Carruurtooda iyo Dumarkooda kala qaxaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo markaa ka dib goob dagaal sannado dhawr ah socday isu rogtay.

Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, arrimo door ahna uu kaga hadlay Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu Khamiistii Maanta ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda magaalada Burco oo Taageerayaasha Waddani maalintooda labaad ee Ololaha Maanta isugu soo baxeen, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-