Muuse Biixi oo fuulay Roogii casaa ee reer Oodweyne u dhigeen Madaxweyne Silaanyo

0

Oodweyne-23,Nov,2011-(Berberanews)- Dadweynaha Gobolka Oodweyne, ayaa roog cas u dhigay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Bixii Cabdi iyo wefti ballaadhan oo ku weheliyay safar uu xisbigaasi ugu jiro diyaar-garowga doorashooyinka deegaanka iyo qiimaynta waxqabadkii xisbiga KULMIYE ballqandaaday doorashooyinkii madaxtooyadda sanad iyo badh ka hor.

Weftiga KULMIYE oo saaka arroortii ka ambabaxay magaalada Burco oo uu horkacayay Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi, waxa dulleedka magaalada Oodweyne kaga hor yimi Badhasaabka Oodweyne, waxaanna weftigu gaadheen Xarunta Gobolka Togdheer oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo lulayay calanka xisbiga, iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Cabdi Biixi lagu soo dhaweeyay roogii casaa ee reer Oodweyne u dhigeen Madaxweyne Silaanyo xilligii lagu gudojiray ololaha doorashada madaxtooyadda, sidoo kale waxa weftigu ka haqab-beeleen caanno geel.

 

“Waxaannu nahay xisbiga qudha ee heshiis qoraala kii u codeeyay iyo kii aan u codaynba. Sidaa darteed xisaabtankii sanadlaha ayaanu u soo noqonay. Gobolka Daad-madheedh wuxuu gobollada kale codkooda dheeryahay roogii casaa iyo ciidankii baamboyda.”

Gudoomiyaha xisbigu waxa uu sheegay inay wax badan ay ka hirgalleen ballanqaadkii xisbiga KULMIYE sammeeyey, gaar ahaan Muuse waxa uu si gaara u tilmaamay in Oodweyne yahay gobolkii ugu horreeyey ee dawladdu miisaaniyadda ugu dartay affar boqol oo milyan oo ay ugu dartay dhismaha wadada laamiga ah ee isku xidhaysa Oodweyne iyo Burco., isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Daad-madheedh haddii wadadiisa illaa lixdankii la hadalhayay, haddii dawladdii Cabdirashiid, Aadan Cadde iyo tii kacaanka iyo intii Somaliland jirtay wadadaas hadal hayeen, annagu waxaannu sheegi karnaa sanad gudihii xukuumadda KULMIYE waa ta keliya ee miisaaniyadda si dhab ah ugu dartay affar boqol oo kun oo wadada hawsheedu bilow ku noqoto, haddii sanad walba affar boqol loogu daro waxaan hubaala inay sanado kooban gudaheed ku dhaaanayso.”

Haseyeeshee Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay in mabd’a-oodu yahay qabyo-tirka waxa dhiman, waxaannu yidhi, “Wixii la qabtay way qabsoomeene mabda’ayagu maaha inaanu faano oo nidhaahno waxasaannu qabanay, laakiin aanu ka shaqayno maxaa innoo dhiman?

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in gobolka Oodweyne oo taariikh weyn ku leh dalka Somaliland iyo qanniimada xoolaha nool uu wakhtigan isbedel weyn oo ay sabab u tahay dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo magaalooyinka u hayaamay iyo jid la’aan ka go’doomisay gobollada kale sababtay aafo u horseeday inuu noqdo gobol dhaqaale ahaan ka danbeeya gobollada, kuwaasoo ay kala simanyihiin gobollada Sanaag iyo Saylac.

 

oo dhawaan xilka loo mmagacaabay oo madashaas ka hadlay, ayaa sheegay inay si gaara u farxad gelisay xildhibaannada iyo masuulliyiinta KULMIYE oo ay saaxiibtinimmo gaar ahi ka dhaxaysay.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Oodweyne Yuusuf Ibraahin Geedi waxa uu ugu bushaareeyay Muuse Biixi inuu mari doono jidkii Madaxweyne Silanyo oo reer Oodweyne dhabarka ka dhirbaaxeen, una dhigeen roogii casaa ee Madaxweyne Silaanyo hore u fuulay, “Waa halkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland rooga cas loogu dhigay intii aanu madaxweynaha noqon oo ah roogaas ku horyaala, Muuse Biixoow waxaannu ku leenahay adigana dhabarkaanu kaa garaacaynaa roogiina waannu kuu dhignay.”ayuu yidhi.

Kooxaha hidaha iyo dhaqanka ayaa madasha ku soo bandhigay buraanbur iyo gabayo ay ku ammaaneen xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda uu dhalay.

Guddoomiyaha xisbigu waxa uu soo kormeeray Dugsigii dhexe ee Oodweyne oo ay ka muuqato dayacnaan fara badan,. Kaasoo ka mid ahaa cabashooyinka ugu badan ee dadweynaha iyo waxgaradka reer Oodweyne miiska u saareen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, sidoo kale waxa cabashooyinka ugu badan ee Reer Oodweyne gudbiyeen ka mid ahaa in wasaaraduhu ka gaabiyeen inay masuulliyiin u soo dirtaan laamaha dawladda Oodweyne oo aan badankoodu ka shaqayn, biyo la’aan baahsan iyo shaqaale caaglayaal ah oo aan shaqaynin, hadana mushahar ku qaata.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email, info@berberanews.com