Muuse Biixi Oo Weji-gabax Kala Kulamo Uu La Yeeshay Safiirada Beesha Caalamka Ee Nairobi Fadhiya

0

(Berbera news) Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ee Isniintii todobaadkan u socdaalka magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa kulamo uu la yeeshay safiirada beesha caalamka u jooga Nairobi, waxa la sheegay in kulamadii uu la qaatay safiiradan uu kala kulmay natiijo la’aan iyo weji-gabax.

Warka ayaa intaas ku daraya in kulamadan Muuse Biixi la yeeshay safiiradan, ayaa tibaaxuhu sheegayaan in ay ka wada-hadleen qodobo salka ku haya dib u dhaca doorashada oo wadamada Somaliland ka taageera Dimuquraadiyada iyo horumarka iyo beesha caalamku ay u aaneeyeen, islamarkaana ay masuuliyadeeda dusha u saareen Xukuumadda KULMIYE ay ka mid tahay waxyaabaha keenay in Guddoomiye Muuse Biixi lagu qanci waayo waxyaabaha uu doonayay inuu kala hadlo Danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Nairobi.

Socdaalkan Guddomiyaah xisbiga KULMIYE iyo weftiga uu hoggaaminayo ay ku tageen Nairobi ayaa natiijada ka soo baxay kulamada uu la qaatay safiirada beesha caalamka u fadhiya dalka Kenay aanay ka soo bixin qodobo la taaban karo oo shacbiga loo soo bandhigay, iyadoo warbaahinta badankeeda aan laga dheehan tabinta warkan, marka laga reebo saxaafad kooban u adeegta afkaarta xisbiga KULMIYE.

 

Berbera news.