Muxuu yahay hubka ay dalalka caalamka u kala ordayaan?

0

Waxaa sanadihii dambe dunida ku soo batay hubka casriga ah ee ay soo saarayaan dalalka horumaray, kuwaas oo ay aad u iibsanayaan dalalka ku jira xifaaltanka milateri.

Dalalka soo saara hubka casriga ah ayaa waxaa kamid ah Ruushka oo dhawaan casriyeeyay gantaallada difaca cirka ee S-300, kuwaasoo haatan loo yaqaano S-400, hubkaasi oo ilaa iyo hadda ay iibsadeen ama dalbadeen dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Hindiya.

Muxuu yahay hubkan?

Hubka gantaalada difaaca cirka ee S-400 ayaa ah hannaan casri ah oo lagu difaaco hawada. Hubkan oo naqshadeyntiisa ay bilaabatay sagaashameeyadii ayaa waxaa sameeyay shirkadda Almaz Central Design Bureau ee dalka Ruushka.

Hubkan ayaa waxaa uu badelay hannaankii difaaca cirka ee S-300 iyo S-200, kuwaas oo ay horay u isticmaali jireen ciidamada cirka ee Ruushka, waxaana la sheegay in uu yahay kan ugu casrisan ee haatan dunida laga isticmaalo.

Gantaallada difaaca cirka ayaa waxaa si rasmi ah loo sameeyay sanadkii 2007, waxaana noocii ugu horreeyay la rakibay isla sanadkaas. Ciidamada cirka ee Ruushka ee ku sugan koonfurta dalkaas ayaa hubkan loo geeyay sanadkii 2012-ka, waana ciidankii ugu horreeyay ee adeegsaday hubkan, inkastoo aan weli lagu dagaal gelin.

Hal dhuun oo kamid ah gantaallada ayaa wargeysyada wax ka qora arrimaha difaaca ay sheegeen in uu ku rakiban tahay 32 madfac, waxaana taas ay ka dhigan tahay in halkii xabo ee gantaallada ay ku rakiban yihiin 256 madfac.

Gantaalladan ayaa u kala baxa dhowr nooc oo kala ah kuwa ridada dheer oo wax ka difaaci kara masaafo dhan 400 oo kilomitir, kuwa ridada gaaban oo gaari kara 250 kilomitir.

Hubkan ayaa waxaa uu awood u leeyahay in uu burburiyo waxwalba oo casri ah oo lagu dagaalamo, haddii ay ahaan lahayd diyaaradaha dagaalka, taangiyada, gujiska iyo baabuurta gaashaaman ee dagaalka.

Inta badan sababta ay dalalka caalamka ku doorteen hubkan ayaa ah in uu yahay mid siyaabo kala duwan loo adeegsan karo. Hannaanka difaaca cirka ayaa loo adeegsan karaan sida lidka diyaaradaha, weerarada dhanka cirka, bartilmaameedka iyo in si caadi ah uu u ogaan karo waxwalba oo soo gala hawada dalkaas.

Getty ImagesLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Telefishenka RT ee xaruntiisu tahay Ruushka ayaa sheegay in qalabka S-400 ay dalalku u doorbidayaan maadaama uu qiimo ahaan ka jaban yahay kuwo Reer Galbeedku sameeya

RT ayaa sheegtay in halkii xabo ee S-400 ah uu ku kaco lacag dhan nus bilyan dollar, halka qalabka u dhigma ee Maraykanku sameeyo ee THAAD uu yahay hal bilyan oo dollar.

Dhanka iibsashada marka la eego, Ruushka ayaan shuruudo badan ku xirin qalabka S-400 halka Maraykanka uu shuruudo adag ku xiro dalalka iibsanaya gantaalladiisa difaaca cirka.an.

xigasho Bbc somali