Nin lagu eedeeyay “inuu nabiga u gefay” oo dil lagu xukumay

0

Bare jaamacadeed oo u dhashay Pakistan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah ka dib markii uu “aflagaadeeyay” diinta.

Junaid Hafeez, oo 33 sano jir ah, waxaa la xiray bishii March 2013-kii, waxaana lagu eedeeyay in uu hadallo xushmad daro ah oo uu ka sameeyay Nabi Maxamed SCW uu ku fafiyay baraha bulshada.

Eedaha ku saabsan aflagaadeynta diinta waxay halis weyn ka yihiin dalka Pakistan. Xitaa haddii aan lagu hubin qofka la eedeeyay wuxuu halis u galayaan in la dilo.

Qareenkii u doodi lahaa Hafeez oo lagu magacaabay Rashid Rehman waxaa la dilay 2014-kii, ka dib markii uu aqbalay in kiiska ninkaas uu difaaco.

Ninkan ayaa muddo sanado ah ku xirnaa qol keligii u gaar ah ka dib markii uu weerarro kala kulmay maxabiistii kale ee uu la xirnaa.

Xukunka waxaa riday maxkamad ku taalla Xabsiga Dhexe ee Multan, halkaas oo ah meesha Hafeez lagu hayay.

Hafeez wuxuu deeq waxbarasho oo buuxda uu ka helay Mareykanka halkaas oo uu ku soo bartay Suugaanta Mareykanka, sawir qaadidda iyo jilliinka.

Ka dib markii uu ku noqday Pakistan, wuxuu bare ka noqday jaamacadda Bahauddin Zakariya (BZU) ee Multan. Halkaas ayuuna ku sugnaa illaa eeda loo jeediyay lana xiray.

Golaha qareennada ee hadda u doodaya Junaid Hafeez waxay sheegeen in xukunka uu yahay “mid nasiib darro ah”, waxayna wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan.

Qareennada u doodayay waaxda dacwad oogidda ayaa dhankooda loo qeybiyay mac-macaan ka dib markii xukunka uu dhacay iyagoo ku dhawaaqayay “Allahu akbar” iyo “Ha dhinteen kuwa diinta caaya”.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in xukunka uu “ugub ku yahay cadaaladda” waxayna ku tilmaamtay “niyad jab wayn iyo wax la yaab leh”.

Maxay yihiin shuruucda qabanaya dadka diinta u gefa ee Pakistan?

Shuruucda la xiriirta qofka diinta caaya ee Pakistan waxaa la socdo xukun adag, sida dil, waxayna qabanayaan qof kasta oo diinta islaamka wax ka sheega.

Shuruucdan waxaa markii hore dejiyay Britishkii maamulayay Hindiya, sannadkii 1860-kii, waxaana la sii ballaariyay 1927-dii.

Pakistan waxay sharciga dhaxashay markii ay aasaasantay oo ay ka go’day Hindiya, sannadkii 1947-dii.

Shuruucdii hore waxay ahaayeen kuwo la xiriiray qofkii carqaladeeya isu imaatinnada diineed, ku xadgudbidda meel uu aas ka socdo, aflagaadeynta diimaha, ama in si ula kac ah loo burburiyo ama u loo ceebeeyo dad cibaadeysanaya.

Xilligaas, sharciga wuxuu dhigayay, in qofkii lagu helo dembigaas uu muteysanayo hal illaa 10 sano oo xabsi ah.

Muddadii u dhexeysay 1980-kii illaa 1986-dii, xeerar cusub waxaa ku daray dowladdii militariga ee uu hoggaaminayay Janaraal Zia-ul Xaq.

Janaraal Xaq wuxuu la xiriiriyay diinta islaamka, wuxuuna si sharci ah uga saaray bulshada Axmadiyada, kuwaas oo sannadkii 1973-dii lagu tilmaamay in aysan muslim ahayn. Wuxuuna isaga ka saaray Axmadiyada, guddiga ugu sarreeya ee Muslimiinta ee dalkaas.

Xeerarkaas cusub ee uu ku daray waxay sharci darro ka dhigeen xushmad darrada ka dhanka ah Islaamka, waxaana la soo saaray xukun xabsi daa’in ah oo lagu xukumo “qofkii si ula kac ah” u wasaqeeya kitaabka Quraanka.

Xoogaa ka dibna, waxaa lagu daray in dil toogasho lagu xukumo ama xabsi daa’in la geliyo qofkii “aflagaadeeya” Nabi Muxamed CSW.

Illaa 40 qof ayaa hadda u xiran oo sugaya in lagu fuliyo dil ka dib markii lagu helay “in diinta ay wax ka sheegeen” – In kastoo illa iyo hadda aan la fulin midna.

Sharcigas wuxuu in muddo ah ahaa doodda beesha caalamka ka dib markii Asia Bibi, haweeney masiixi ah oo u dhalatay Pakistan, ay siddeed sano u xirnayd arrintaas oo ay sugeysay dil toogasho. Xabsiga waxaa laga sii daayay sannadkii tagay, ka dib go’aan maxkamadeed oo wax ka badalay xukunkii lagu riday.

Siideynteeda waxaa ka dhashay rabshado badan, waxayna ku qasbanaatay in gabaad ay ka raadsato dal kale.

Xigasho Bbc Somali