NOLOL LA XASUUSTO-SACIID MAXAMED GEES – QEYBTII 6AAD

0

“Ingiriiska laga qayliyee qaaq wax kaga siiyay

Isaguba marbuu qaadan jiray qaanso iyo leebe

Qarfo iyo marbuu seexan jiray qalanqal hoosteede

Hase yeeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekhow’e

Qalalaase meel lagu lumiyo qaylo iyo oohin

Qoraxdee dhacdaba teenu way kala qaxaysaaye

Nin qalbi la’ quraan ka u akhriyey qaaf dhe ku haraadye

Qayrkii ka hadhe waa ninkii qalay walaalkiiye”

Timacadde

Afka Carabiga ayaa dadka Soomaaliyeed wax ku qoran jireen, oo waraaqaha isugu diri jireen,  ganacsiguna ku socday. Cadan ayaa ahayd xarunta Ganacsiga ee Jasiiradda Carabta iyo weliba dhaqanka. Dubay, Jiddah iyo magaalooyinkan cusubi ma jirin. Jaaliyad weyn oo Soomaali ah ayaa Cadan deganayd. Afka Carabiga ayaa la adeegsan jiray. Ingiriiska afkiisu bulshada raad muuqda kuma lahayn. Dadka afka Ingiriiska bartay waxay ahaayeen fara-ku-tiris oo iyana Cadan ka soo-jeeday oo wax ku bartay.

Saraakiisha Ingiriiska ah, waxay carruurtooda u diri jireen dugsiyo ku yaalla Cadan. Somaliland ma jirin dugsiyo loogu talogalay carruurtooda. Waxa la sheegay nin sarkaal ah oo doonayey inantiisa oo fasax ugu timmi inuu diyaarad u saaro dhinaca magaalada Cadan; ayaa waardiyihii guriga oo Soomaali ahaa ku yidhi; “Sir, diyaaraddu waa dhacaysaa ee inanta ha saarin.”

Sarkaalkii waxa uu ku yidhi; “Maxaad ku ogaatay?” waxa uu ugu jawaabay, “Riyo ayaan ku arkay.” Sarkaalkii waa shakiyey oo inantii wuu ka reebay diyaaraddii. Garoonkii diyaaradaha ee Hargeysa ayuu sii joogay si uu u ogaado xaalka diyaaraddii Cadan u duushay. Waxa la sheegay in diyaaraddii garoonka Cadan ku dhacday oo dhinac burburay, kadibna ninkii sarkaalka ahaa waxa uu lacag badan siiyey waardiyihii.

Hasa yeeshee, waardiyihii oo rayraynayaa oo lacag badan helay ayuu u yeedhay sarkaalkii, waxa uu u sheegay in shaqadii laga eryey laga bilaabo maanta. Waxa uu ku yidhi; “Waxa shaqadaadu ahayd inaad na waardiyeyso oo habeenkii oo dhan aad soo jeeddo, waxase caddaatay inaad habeenkii aad seexato, kadibna aad riyooto.’ Riyadii ayaa sahayatay shaqadiisii. Kala haab labadaas dhaqan ayaa hirdamayey.

Maxamuud Jaamac Uur-doox ayaa wargesyo Af-carabi ku qoran ku soo daabici jiray Cadan, deeto Maxmiyadda Somaliland u soo gudbin jiray marar kala duwan, wargeysyadaas oo la kala odhan jiray Sawtu Somal iyo A-nahdha.

Cabdillaahi Oomar ayaa madbacad keenay Hargeysa, kadibna wixii ka dambeeyey sannadkii 1957 waxa bilaabmay in wargeyso ka soo baxaan Hargeysa: Al-Liwaa oo uu lahaa Xisbiga NUF oo ay qori jireen Axmed Jimcaale iyo Axmed Yuusuf Ducaale, Qarni Ifriqiya oo uu lahaa Xisbiga SNL oo uu qori jiray Cumar Cabdiraxmaan (Cumar Dheere).

Sannadkii 1958, aniga oo sannad tababar ah u jooga Magaalada Nairobi, ayaan waxan ku jiray shaaric la yidhaahdo Elizabeth Street; waxa iyana xafiis ku lahaa Xisbigii u ololeeyey xornimada dalka Kenya. Waxan is-baranay siyaasiintii waqtigaas: Odinga Odinga (waa Raila Odinga Aabbihii) iyo Tomboya. Jooma Kenyaato waa xidhnaa markaas oo dhaqdhaaqii Mawmawga ayaa loo xidhay inuu ka dambeeyey.

Odinga Odingaa, Madaxweyne-ku-xigeen ayuu ka noqday Kenya markii uu dalkaasi xoriyadda hantiyey  (1963), Tomboya waxa uu noqday Wasiirka Qorshaynta, haseyeeshee duhur ayaa lagu toogtay Nairobi dhexdeeda isaga oo dukaamaysanaya, waxa dilkiisa loo aaneeyey inay ka dambeeyeen xukuumaddii uu ku jiray iyo qolada Kukuuyada ee Jooma Keneyata ka soo jeedo. Waxa ay ka baqayeen inuu xukunka kala wareeggo, isaga oo nin firfircoon oo dawladaha reer galbeedka ku xidhan ahaa, qabiilka kale ee Luwa (LUO) ka soo jeeday.

Waxa aannu ninka la odhan jirayTomboya waqtigaas ka sheekaysan jirnay, iguna odhan jiray Soomaaliya ayaa naga rajo fiican oo 1960 ayaa dawladnimo loo ballanqaaday, Kenya lama oga mar ay xoroobayso.

Wargeysyada ka soo bixi jiray Nairobi iyo hadallada iyo dhacdooyinka siyaasiga ah ee ka taagnaa dalka Kenya ayaan si joogta ah ugu soo diri jiray Wargeyska Al-liwaa, kaasoo Af-Carabi ku soo saari jiray. Magacayga laguma qori jirin ee waxa la odhan jiray Wakiilka Wargeyska Al-liwa ee Nairobi.

Maamulkii Ingiriiska ee Maxmiyadda Somaliland ayaa ka yaabi jiray sida wararkaasi Kenya ay u soo gaadhaan Wargeysa Al-liwaa marka Af-Ingiriisi loogu tarjumo, markii doorashadii Golaha Xeer-dejinta Somaliland la qabanayey, ayaa waxa Hargeysa iigu yimmi wefti Odayaal ah oo Ceerigaabo ka socda oo iga codsaday inaan xubnaha u tartamaya Golahaasi aan ka mid noqdo, waa aan ka cudur-daartay codsigii Odayaasha.

Bishii May ee sannadkii 1960 ayaan waxbarasho u tagey dalka Boqortooyada Midawday (United Kingdom), waxbarashadaas oo aan waday ilaa sannadkii 1964. Xorriyaddii Somaliland iyo is-raacii Soomaaliya, labada dhacdoba waa ka maqnaa dalka. Waxaan ka doonan jiray warka Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da, taas oo waagaas aan laga maqli jirin gudaha dalka Ingiriiska.

Markii dalkii xoroobay ee himiladii midaynta geyga Shanta Soomaaliyeed, tallaabadii u horreysay la qaaday, ayaan ka hadhay siyaasaddii aan ku soo jiray. Intii 1960 ka dambaysay waxa aan ku koobnaa adeegga hawlaha daryeelka caafimaadka bulshada iyo arrimaha samafalka.

Urur iyo Afagaal waa xiddigo aan la arkin habeenkii marka xilliga gu’ga la gaadho. Xilliyada kale ayaa la arkaa habeenkii. Waxay tidhaahdaa Soomaalidu; “Inta ay maqan yihiin xiddigahaasi ninkaan caano ka dherginaw, caano dambe ha filan!!” Heestani calaacalka ah ee lagula hadlayo Geella waxay ku aroortaa falsafadda Orod iyo Ayaan ee Soomaalida.