Noole ay seynisyahannada reer galbeedku moodayeen in la waayay oo Soomaaliya laga helo

0

Seynisyahannada reer Galbeedka ayaa sheegay in xayawaan la eg jiirka, oo ay maroodiga isku isir yihiin laga helay Jabuuti.

Noolahan ayey seynisyahannada xogtan shaaciyay ku tilmaameen mid muddo 50 sano ah la waayay, laakiin waxaa run ahaantii laga helaa meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, sida uu BBC-da u sheegay khabiir ku xeel dheer arrimaha deegaanka iyo duurjoogta.

Ilaa hadda macluumaadka ay hayaan seynisyahannada ayaa muujineysay in noolahan ay dhankooda ugu dambeysay aragtidiisa 1970-meeyadii.

Hase yeeshee, Cusman Geedow Caamir, oo wax badan kala socda arrimaha xayawaanka Soomaaliya ku nool, ayaa noo sheegay in taasi loo sababeyn karo maadaama aysan cilmibaareyaasha caalamiga ah muddo dheer fursad u helin inay Soomaaliya tagaan oo xog rasmi ah ka helaan noolahan.

“Xayawaankan hadda laga hadlayo, oo afsoomaaliga magaciisa lagu yidhaahdo Walo, ama Walo Sandheer, waa xayawaan la helay sanadkii 1881-kii, nin faransiis ah ayaana kasoo qabtay bariga Soomaaliya. Waxaa laga helaa laga soo billaabo deegaannada Puntland iyo Somaliland,” ayuu yidhi Cusmaan.

“Seynisyahannada warbixinta soo saaray markii dhan loo eego way saxan yihiin, sababtoo ah ma jirto cilmi baadhis dhinaca xayawaanka ah oo laga sameeyo Soomaaliya, mana jiro madxaf lagu keydiyo xogta xayawaannada waddanka ku nool. Culumada seyniska ee reer Galbeedkana waxaa Soomaaliya ugu dambeysay waqti hore, 30 sano ayuu dalka ku jiray qalalaase, 20 sano oo kasii horreysayna waxaa iska jiray culeysyo dhinaca cilmibaadhista ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

1983-kii ayey ahayd markii ugu dambeysay ee uu cilmi baadhe u dhashay dalka Talyaaniga xogta xayawaanka ka sameeyay Soomaaliya, sida uu sheegay Cusmaan Geedow Caamir.

Maxay muujisay cilmi baadhista ugu dambeysay ee la sameeyay?

Inkastoo xayawaankan si caadi ah looga helo Soomaaliya, hadda dalka Jabuuti ayaa laga heley ka dib baaritaanno cilmibaaris ah oo la sameeyay.

Noolahan wuxuu leeyahay xubin u eg foolka maroodiga, wuxuuna cunaa cayayaanka.

Waxaa jira illaa 20 nooc oo ah kuwa loo garanayo sengis guud ahaan caalamka. Noolahan la helay 50 sano ka dib waxaa lagu magacaabaa Somali Sengi (Elephantulus revoilii) waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha la yaabka leh ee seynisyahanada ay ogaadeen.

Steven Heritage, oo ah cilmibaare dhanka Seyniska ah oo ka tirsan jaamacadda Duke ee ku taalla dalka Mareykanka oo sidoo kale xubin ka ahaa khubaradii socdaalka ku yimid geeska Afrika ee 2019-kii, ayaa sheegay in uu ku farxay “in markale la helo” nocyadan dooliga u eg.

Wuxuu BBC ku yidhi: “Xaqiiqadii aad ayaan ugu farxanay uguna riyaaqnay markii ugu horeysay ee aan aragnay noole dooli la’eg balse maroodiga ay isku isir yihiin oo Jabuuti laga heley kaas oo lagu magacaabo Somali sengi.

Cilmibaarayaasha aragtida noolahan markii ugu dambeysay ee ay diiwaangaliyeen waxay ahayd sannadkii 1968.

Seynisyahannada baadhitaanka waday waxay dhigeen 1,000 dabin oo lagu xiray 12 goobood oo kala duwan, waxaayna arkeen 12 nooc oo ah Walo Sandheer ah.

Ka dib, Seynisyahannada waxay baareen hiddo-sidaha, markaasi oo la ogaaday in nooca loo bixiyay Somali Sengis uu yahay midka ugu dhaw ee ay isku midka yihiin noocyada Sengis ku nool dalalka Morocco iyo Koonfur Africa.

Seynisyahanada waxay ka war heleen warar sheegaya in dalka Jabuuti lagu arkay. Houssein Rayaleh, oo ah cilmibaare dhanka deegaanka ayaa ku biiray kooxdii dabagalka ku haysay isaga oo rumaysnaa in uu arkay dooligan u eg Maroodiga.

Steven Heritage ayaa intaas ku daray in dadka ku nool dalka Jabuuti aysan u haysan in noolaha noocan ah uu soo “lumay”, haddana ay cilmibaaristan cusub dib xayawaankan ugu soo celisay gacanta bahda seynisyahannada ay tahay mid qiimo wayn ugu fadhida.

Noocan noolaha loo yaqaano Somali Sengi ama Walo Sandheer wuxuu ka mid yahay 25 “nooc oo ay si wayn u baadigoobaysay” hay’adda caalamka u qabailsan ilaalada duurjoogta.

Cilmibaaridstan waxaa lagu daabacay joornaalka lagu magacaabo Peer J.

Xigasho Bbc Somali