Berbera News | Daily News Update

Nuxurka Khudbadihii Madaxda Kala Duwani Ka Jeediyeen Calleemo-saarka Madaxbannaanida Koonfurta Sudan

Juba-(Berberanews)- Madaxweynayaal iyo diblomaasiyiin isaga kala timi daafaha dunida oo lagu qiyaasa 400 oo ergay, ayaa ka soo qaybgalay munaasibadda dabaa;-dega madaxbannaanida Koonfurta Sudan ee shalay curatay.

Madaxweynaha dalka cusub ee Koonfurta Suudaan Salvakiir oo khudbad aad u qiima badan ka jeediyey. “Maanta (shalay) waa maalin qiimo u leh dadka koonfurta Sudan oo u dhalatay inay xubin ka noqdaan beesha caalamka iyo dalalka dunida markhaatina aad ka tihiin, waa maalin aynu waligeen laabta ku hayn doono oo aan maskaxdeena ka baxayn. Maanta Waxaynu u dabaaldagayna madaxbanaanida iyo xorriyadeena.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Cusub ee Koonfurta Suudaan H.E. General Salva Kiir Mayardit oo hore u ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii dalweynaha Sudan markii uu isku dhammaa.

“Waxaan  si adag ugu baaqaya Walaalahayga Ethiopia iyo Ereteria inay khilaafkooda ku dhameystaan nabadgelyo. Waxaan ka codsanayaa walaalahayga Soomaaliya inay sida heshiiyaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha dalka Kenya  ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay dhalashada jamhuuriyad cusub ee Koonfurta Suudaan,isla markaana dalkiisu aqoonsan yahay, lana shaqeyn doono dawlada cusub kuna soo dhaweynayo ka mid noqoshaha urur goboleedka IGAD.

Ra’isal Wasaaraha dalka dalka Ethiopia Males Zanawi oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inuu dalkiisu soo dhaweynayo madax-banaanida koonfurta Suudaan, oo uu aqoonsan yahay.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Baki moon iyo wakiilo ka socday Ururka Jaamacadda Carabta, midowga Yurub, Ururka Midowga Afrika, dawlada Shiinaha, Dawlada Mareykanka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay ku hambalyeeyeen  dawlada Cusub Koonfurta Suudaan, waxaanay ku tilmaameen inay maanta tahay maalin weyn

Dalka Sudan ayaa lagu xasuustaa mid ka mida colaadihii ugu muddada dheeraa qaaradda Afrika, waxana colaadahaas lagu soo gebagebeeyey shirkii nabadda ee 2005 ay dhinacyadii reer Sudan ee dagaalamayey isla qaateen kaas oo qodobada ugu muhiimsan ay dhigayeen in sannadkan aynu ku jirno ee 2011 laga qaado dadka ku dhaqan koonfuta SUDAn afti, taasina way dhacday, aftidaasina waxay dadka Koonfureedka Sudan u riixday inay maanta soo gaadhaan oo ay madax banaani ka qaateen Woqooyiga Sudan oo ay xooluhu isugu jireen:

Mid ka mida shakhsiyaadka halganka dheer u soo galay in dalka Koonfurta Sudan ka go’do woqooyiga ayaa ahaa John Garaan, Muuqaallo sawiradiisa ah iyo ereyo tiiraanyo lagaga muujinayo geeridiisu inaanay ku simin inta dalkani madaxbanaani helayo ayaa lagu arkayey goobta xafladdu ka socoto iyo goobaha kale ee la isugu yimaaddoba: “waxaan filayey inuu waxwalba noo qabanayo laakiin ilaahay baa qaatay, Laakiin Silver ayaa jooga waanuna ku faraxsannahay.”

Dareenkaas iyo mid la mida ayaa dad badani marka ay sawirkiisa arkaan iyaga oo ilmaynaya kuu sheegayaan, Magaaladan Jubba oo uu dhex maro webiga caddi noqonaysana caasimadda Dalka Cusub ee Koonfurta Sudan ayaan tan iyo xalay lagu kala seexan waxana kugu adkaanaysay inaad kala garato habeenka iyo maalinta damaashaadyada socday awgeed, iska daa marti sharafta caadiga ahe waxaa adkayd in masuuliyiinta sarsare ay helaan goobo ay dhina dhigaan, Saaka markii waagu beryayna waxaa loo xamaam urursaday sidii qof waliba uga markhaati noqon lahaa maalintan taariikhda u gelaysa reer Jubba:

Waxana goobta xafladda ka soo qayb galay Wufuud kala duwan oo xaddigoodu cagacageeyey illaa 400, kuwaas oo isugu jiray madaxweynayaal, Raiisal wasaarayaal iyo masuuliyiin kale oo kala socday Qaaradda Afrika, Maraykanka, Australia, Yurub, Asia  iyo wadammada carabta, haddaynu xusnana waxaan iyana ka maqnayn Madaxweynayaasha wadamada deriska la ah Koonfurta Sudan iyo kuwa gobolka oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Meles-zanaawi, Raiisal wasaaraha itoobiya, Madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynaha Kenya sidoo kale waxaa xafladdan iyana ka qayb galay oo lagu casuumay wefti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo,

Waxaa marqudha dareen farxadeed oo gaadhay in la ilmeeyo uu goobta dabaaldeggu ka socdaa isu rogtay ka dib markii uu Afhayeenka Baarlamaanka Koonfurta Sudan oo u si rasmi ah u shaaciyey in Sudan laba dal u kala qaybsantay,

Silver Giir oo ka hor ku dhawaaqistan maanta Sitay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Sudaan ayaa xilligan noqonaya Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Koonfurta Sudan taas oo si rasmi ah loogu dhaariyey:

Maalin ka hor markii aan Juba soo gaadhnay waxay ka tirsanayd Jamhuuriyadda Sudan, iminkase waa Jamhuuriyad madaxbanaan, inkasta oo arrimo badan oo u dhexeeyey labadan dal ee kala tegayaa ka heshiiyeen haddana duruufo adag ayaa horyaalla oo ay ugu horrayso sida loo maaraynayo xuduudda ama haddii aan si kale u idhaahdo Abyey dhinaca ay raaci doonto.

Dadka ayaa iyagu dareeno kala duwan ka muujiyey markii ay isku hubsadeen inay dal cusub yihiin: Haddaanu nahay Reer woqooyiga aad baan ugu faraxsannahay inaan nidhaahno macasalaama walaalahayagii reer Sudaan, ma necbin, laakiin, xuquuqdayada ayaa sidaas na siinaysa. Ma doonayo inaan dib u soo xasuusto, waayo waxaan u arkaa inaan jidkan u soo marnay dhib badan, iminka waxaan naawilayaa inaan beesha caalamka horumar badan ka helno mar haddaan madaxbaanina helnay.”

 

Berberanews.com

Leave a Reply