Nuxurka Kulan ay isugu yimaaddeen Guddiga Sicir-bararka iyo Ganacsatada Somaliland qaarkood

0

Hargeysa(Berberanews):- Kulan ay isugu yimaaddeen Guddiga Sicir-bararka iyo Ganacsatada Somaliland qaarkood oo caawa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wadahadlay wax ka qabashada Sicirka Doollarka ee weli aan sida rasmiga ah u sal-dhigan iyo kor u qaadka qiimaha Lacagta Somaliland.

Markii uu soo dhammaaday kulankaasi, waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cali Axmed Maxamed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Jaamac, iyadoo ay Weriyeyaasha qaarkoodna su’aalo ka weydiiyeen halka laysla marayo iyo Sicirka suuqa ee wakhtigan wax lagu sarrifo iyo weliba Suuqyo madoow oo Hargeysa ka bilaabmay.

Haddaba, Hadallada labadaas Masuul iyo Jawaabaha ay ka bixiyeen Su’aalaha la weydiiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-