Nuxurka kulan dhexmaray guddoomiyaha baarlamanka dalka Soomaaliya iyo danjire Mahiga

0

Nairobi(Berberanews)- Kulan ay Albaabbadu u xidhnaayeen ayaa xalay ku dhexmaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Phillip Mahiga.

 

Kulankan oo ka dhacay hotelkii uu deganaa guddoomiyaha baarlamaanka ayaa socday muddo saacad ah, iyadoo wararka kasoo baxaya kulankaas ay sheegayaan inay labada masuul kaga wada-hadleen shirka ka dhacaya Muqdisho iyo doorashooyinka la filayo inay dhacaan inta aan la gaadhin bisha August ee sanadkan. Warar ay baahiyeen idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu ka codsaday Mahinga in shirka Muqdisho lagu qabanayo loo wareejiyo meel kale, isagoo sabab uga dhigay in xukuumaddu ay dano gaar ah ka leedahay shirkan.

 

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu codsaday in shirka lagu qabto meel aan ahayn Soomaaliya, balse lama sheegin goobtaas, mas’uuliyiintan ayaan la hadal warbaahinta markii uu kulankoodu dhammaaday. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan Nairobi ayaa laga soo xigtay in Mahinga uu sheegay in shirka ka dhacaya Muqdisho uu yahay mid khilaafka u dhexeeya hay’adaha dowladda lagu xallinayo, oo ay doorashooyinku dhacayaan xilligii loogu talogalay.

 

Qarammada Midoobay ayaa Mahinga u wakiilatay inuu u matalo shirka bisha June lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, kaasoo ay qaban-qaabadiisa waddo TFG, iyadoo la sheegay in shirkaas lagu xallinayo khilaafyada jira go’aannana lagaga gaadhayo. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankaas ka dib u dhoofay dalka Jabuuti, iyadoo la sheegay inuu casuumaad ka helay madaxda dalkaas, isla markaana uu  kulammo la yeelan doono.

 

Berberanews

Hargeysa/Somaliland.