Nuxurka kulandhexmaray Madaxweynaha Somaliland, Qarammada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD

0

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Wefti isku dhaf ah oo ka socday Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Urur-goboleedka IGAD Xafiisyadooda qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, kuwaas oo illaa shalay Hargeysa ku sugnaa, ayey Madaxweynaha ka hadleen sidii nabadgelyo loogu dhammayn lahaa dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo dagaallo ku dhex-mareen deegaannada Tukaraq ee Bariga gobolka Sool bilihii la soo dhaafay.

Kulanka Madaxweynaha iyo Weftigan dhex-maray waxyaabaha ay ka wadahadleen waxa Warbaahinta War kooban ka siiyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay galabta Warbaahinta Berberanews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay wufuud ballaadhan oo ka  kala socota Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo urur-goboleedka IGAD.

Wufuuddan oo ay kala hoggaaminayaan  ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee  qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Raisedon Zenenge iyo Ergeyga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaaliya Amb Mohamed Ali Guyo,  ayaa kulanka ay madaxweynaha la qaateen waxa ku wehelinayey guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, guddoomiye-ku-xigeenka golaha guurtida, Mudane Siciid Jaamac Cali iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxaana diiradda lagu saarayo arrimo door ah salka ku haya sidii loo dhawri lahaa deggenaanshaha deegaanka TUKARAQ ee  bariga Somaliland oo uu dhawaan ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Ciidamo ka socda Soomaaliya iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi dhammaaday waxa uu faah-faahiyey waxyaabihii sida gaarka ah loogaga dooday, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha iyo weftigu si gaar ah uga wada-hadleen sidii loosii xoojin lahaa xidhiidha ka dhexeeya Somaliland, qaramada midoobay iyo weliba urur-goboleedka IGAD, iyada oo si gaar ah loogu dheeraaday muhiimadda ay leedahay nabad buuxda oo ka islaaxda deegaanka TUKARAQ.

“Madaxweynaha iyo wefdigu waxa ay ka wada-hadleen ammuuro badan oo la xidhiidha cilaaqaadka labada geesood oo ay kamid tahay xaaladda TUKA-RAQ sidii loo maarayn lahaa, sidii arrinkaas xal looga gaadhi lahaana qodobbo dhawr ah ayaa la isla taataabtay, kuwaas oo ay kamid tahay in xabbad-joojin la sameeyo marka hore, in maxaabiista la isu celiyo iyo in hay’adaha samo-falka ah loo ogollaado inay gargaar fidiyaan, wax badanna waa la isla qaatay, waxaana aan rajaynaynaa in geeddi-socodka wada-hadalkaas guul laga gaadhi doono insha Allah.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Sacad.” Waxaa sidaa lagu yidhi War-Saxaafadeedkan Qoraalka ah ee ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.