Wasiirka Warfaafinta Oo Xisbiga UDUB Ku Soo Dhaweeyey Beel Ay Gacal-yihiin (Xidid)
Posted by admin on
Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo uu weheliyo Guddoomiyihii hore ee ololaha Xisbiga UDUB     Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi), ayaa maanta UDUB ku soo dhaweeyey taageerayaal kasoo jeeda Beelaha Galbeedka Hargeysa (Reer-Shirdoon) oo ay Wasiirka Gacal-yihiin (Xidid),
Extended News
Hargeysa(Berberanews):- Wasiirka warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo uu weheliyo Guddoomiyihii hore ee ololaha Xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi), ayaa maanta UDUB ku soo dhaweeyey taageerayaal kasoo jeeda Beelaha Galbeedka Hargeysa (Reer-Shirdoon) oo ay Wasiirka Gacal-yihiin (Xidid), kuwaasoo sheegay inay horena UDUB u taageeri jireen, imikana muujinayaan cududdooda taageero ee ay u hayaan Xisbil-xaakimka.

Mundaasibad taageerayaashan lagu soo dhawayaynayay oo lagu qabtay Huteel Crawn ee magaalada Hargeysa, Waxaanay xubno beeshaas u hadlay, ayaa sheegay inay hore

badiba beeshu u taageersanayd Xisbiga UDUB, isla markaana Xildhibaanno uga soo baxeen UDUB wakhtigii doorashadii Golaha Wakiillada 2005-tii. Sidaa daraadeedna waxay

sheegeen inay doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay bishan juun 26-keeda Somaliland ka dhacdo, taageerayaan Xisbiga hadda talada haya ee UDUB oo ay hiil iyo hooba

isla-garab taagayaan. Waxaanay daadifeeyeen Boqolaal qof oo toddobaadkan ku biiray Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE oo ka tirsan Beesha reer Shirdoon.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo xafladdaa ka hadlay, ayaa  u mahadceliyey Beeshaas oo uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay

cududda taageero ee ay Xisbiga UDUB u muujiyeen . Waxaanu xusay Wasiiku inuu taageerayaashan si gacmo furan ah ugu soo dhawaynayo Xisbiga UDUB, oo uu ku

tilmaamay mid aan la kala lahayn ee dadku u siman yahay. Sidaa daraadeed, waxa uu Axmed X. Daahir ka codsaday taageerayaashan inay maalinta doorashadana codkooda

siiyaan UDUB.

Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi), ayaa isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Khamiista Berri oo ololihii Xisbiyadu bilaabmayo UDUB yahay ka koobaad ee berri jadwalka ku qoran inuu ololeeyo. Sidaa daraadeed-na, waxa uu taageerayaasha Xisbiga UDUB ka codsaday inay isu soo baxaan berri, isla markaana taageerayaasha Hargeysa ku dhaqani isugu yimaaddaan Beerta Xorriyada, halkaas oo uu xusay inay Madaxda UDUB kala hadli doonaan taageerayaasha. Mr. Hindi, waxa uu faray taageerayaashooda inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo nidaamka ololaha, oo aanay wax rabshad iyo dhibaatooyin dhalinaya isku dayin ee ay ka dheeraadaan. Waxaanu u mahadceliyey Beeshiisa oo uu sheegay inay mar walba yihiin kuwo garab-taagan Xisbiga talada haya ee UDUB.

Berberanews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
info@berberanews.com