Boorame-(berberanews)-Xisbiga mucaaradka ee UCID ayaa ku fashilmay Siyaasada guud ee gobalka Awdal, iyadoo xafiis xisbigaasi lahaa oo saarnaa Calankooda laga dajiyay maanta lana saaray calanka xisbiga talada dalka haya ee UDUB...
Boorame-(berberanews)-Xisbiga mucaaradka ee UCID ayaa ku fashilmay Siyaasada guud ee gobalka Awdal, iyadoo xafiis xisbigaasi lahaa oo saarnaa Calankooda laga dajiyay maanta lana saaray calanka xisbiga talada dalka haya ee UDUB. Xafiiskaan oo ku yaalay xaafada Xalane ee magaalada Boorama ayaa dhalinyaradii furatay waxey go’aansadeen inay guud ahaan dhulka dhigaan calanka UCID iyagoo isla markiiba saaray xafiiskooda calanka UDUB, taasoo ay ku macneeyeen habacsanaan iyo maamul xumo ka jirta mas’uuliyiinta UCID usoo magacowday gobalka Awdal. “waxaynu taageersaneen Siyaasada UCID ee gobalkaan Awdal gaar ahaan Boorama, balse waxaa fashilmay guud ahaan Siyaasada xisbigaan taasoo sabab u tahay Maamulka xisbigaan ee gobalkaan Awdal, kuwaasoo habacsanaan ka muuqata kana seexday Siyaasada xisbiga iyo dardar galinta howlahooda shaqo” ayuu yidhi Guddoomiyaha xafiiskaan u diga-rogtay xisbiga UDUB Cabdilaahi Cilmi Caateeye. “Faysal iyo Maxamed Rashiid waa rag aqoon leh Siyaasadana ka dhisan, balse waxaa la haraya oo dib u dhac u keenaya horumarkooda maamulka ay u dhiibteen gobalada Awdal iyo Salel kuwaasoo ah rag aan u diyaarsaneen soo jiidashada Taageerayaashooda cusub iyo kuwii horeba” ayuu yidhi Cabdilaahi Cilmi Caateeye. Guddoomiyaha ahna duqa Dhalinyarta xaafada Xalane ee Borama Cabdikhadar Cabdilaahi Warsame “Cabdi Buqul” oo Saxaafada kula hadlayay xafiiskaan UDUB isku badalay ayaa sheegay inay guud ahaan Dhalinyarta Xalane yihiin xisbiga UDUB, isla markaana ay fashilantay Siyaasadii xisbiga UCID ee gobalka guud ahaan gobalka. Cabdi Buqul waxuu maamulka sarre ee UCID ugu baaqay inay soo fara-galiyaan maamulkooda gobalka Awdal, waxuuna sheegay in raga xiligaan maamulka Awdal ee UCID ka tirsan ay yihiin rag aan usoo jeedin guul uu xisbigaan ka gaaro gobalkaan. “Xafiiskaan waxa uu heystay tidho kor u dhaafeysa 700 qof oo Dumar iyo Rag isugu jidha oo xaafadaan ku nool, dhamaana waxey taageersanaayeen Siyaasada xisbiga UCID balse mar qudha ayay isku badaleen UDUB, taasoo ugu wacneed habacsanaan iyo maamul xumo ay ka arkeen raga gobalkaan mas’uulka ugu ah xisbiga UCID” ayuu yidhi gudoomiyaha ama duqa dhalinyarada xaafada Cabdi Khadar C/laahi Warsame Waxuu sidoo kale yidhi Cabdi Buqul “Faysal Cali Waraabe & Maxamed Rashiid yeynan cod ka filan inay ka heleen gobalka Awdal ilaa ay badalaan oo maamul cusub usoo magacaabaan gobalkaan”. Ugu dambeyntii, duqa dhalinyarada xaafadan waxuu sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan cadeymo buuxa oo ku saabsan eedeymaha ay u jeedinayaan madaxda xisbiga UCID ee gobalka Awdal. Maxamed Cabdilaahi
Borama, Somaliland