Ururka Al-Raxma (Ex Miskiin-kalkaal) oo 40 Haween Danyar ah Guddoonsiiyey Mishiinnada Dawaarka iyo Kuwa Hilibka
Posted by admin on
Hargeysa(Berberanews):- Ururka waddaniga ah ee Al-Raxma (Ex Miskiin-kalkaal) oo ah Urur gargaara dadka danyarta ah ee reer Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta qalab kala duwan guddoonsiiyey 40 haween ah oo muddo sannad ah baranayay farsamooyinka loogu shaqaysto Mishiinnada..
Extended News
Hargeysa(Berberanews):- Ururka waddaniga ah ee Al-Raxma (Ex Miskiin-kalkaal) oo ah Urur gargaara dadka danyarta ah ee reer Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, ayaa maanta qalab kala duwan guddoonsiiyey 40 haween ah oo muddo sannad ah baranayay farsamooyinka loogu shaqaysto Mishiinnada dawaarka iyo kuwa Hilibka lagu ridqo, kuwaasoo dhammaantood ka kala socday qoysas danyar ah iyo Agoomo, isla markaana uu Ururku xirfadaha qalabkan loogu shaqaysto baray.

Xaflad ballaadhan oo maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo Haweenkan xirfadaha lagu shaqaysto la baray lagu guddoonsiiyey Mishiinnada Dawaarka lagu tolo iyo kuwa Hilibka lagu shiido (ridqo), ayaa waxa ka soo qaybgalay Salaadiin, Aqoonyahaniin,Ganacsato, Culima-awdiin, Masuuliyiinta Ururka Al-raxma, siyaasiyiin, dadka qalabka la siinayay iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Ururka Al-Raxma Axmed Muxumed Ibraahin oo loo yaqaanno Wadaad-Cabdalla, ayaa furitaankii Munaasibaddaas hadal kooba oo uu ka jeediyey, waxa uu ugu mahadceliyey dadka ka soo qaybgalay xafladda, kuwii gacanta dhaqaale ka gaystay in Dumarkan danyarta ah wax la baro, isla markaana la siiyo qalab ay nolol maalmeedka qoysaskooda ku soo saaraan.Wadaad Cabdalla waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyey Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, Cabdiraxmaan Carte Qaalib iyo shaqsiyaad Qurba-joogga reer Somaliland ka mid ah, oo uu xusay inay taageero dhaqaale oo badan ka gaysteen barnaamijka gargaarka ah ee Ururkoodu ka shaqeeyo.

Wadaad-Cabdalla, waxa uu sheegay in Ururkoodu wax baro boqollaal Arday ah oo isugu jira kuwo qoysaskoodu fiqiir yihiin, agooma aan waxba haysan iyo dad badan oo duruufo dhaqaale ku xeeran yihiin, kuwaasoo uu sheegay inay ka bixiyaan Mushaharka Macallimiinta wax bara, kirada aqallada Iskuullada ah, Dirayska iyo Buugaagta ardaydu wax ku barato. Isaga oo Guddoomiyuhu intaa ku daray inay Maalmaha Iidaha carruurta ay wax baraan u iibiyaan dharka iyo kabaha, si ay farxadda maalmahaas ula wadaagaan qaybaha kale ee bulshada. Waxaanu xusay inay taageerooyin fara badan u fidiyaan dadka danyarta ah ee dacallada caasimadda ku dhaqan, kuwaasoo ay gaadhsiiyaan Raashin kala duwan, Xoolo ay qashaan iyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah.

Waxaanu Gebagabadii hadalkiisa ku sheegay Gudoomiyaha Ururka Al-Raxma Axmed Muxumed Ibraahin (Wadaad-Cabdalla), in ururkoodu ku dedaalo sidii uu dadkaa wax ugu heli lahaa. Isla markaana ay soo dhawaynayaan cid kasta oo boqolaal qoys oo danyar ah taageero dhaqaale u fidin karta.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo xafladdaa ka hadlay, ayaa u mahadceliyey Ururka Al-raxma oo uu sheegay inuu qabtay wax fiican oo dan u ah qaybo dhan oo bulshada ka mid ah oo dayan, isla markaana aan si fiican looga warhaynin ama helin cid gacan qabata. Waxaanu Suldaan Xasan ugu baaqay bulshada reer Somaliland guda iyo dibad, shicib iyo dawladba in la kaalmeeyo dadka bulshada ku dhex tabaalaysan, lagana caawiyo dhinaca dhaqaalaha, qof kastaana waxa uu awooda ha yaraado ha badnaado'e ku gargaaro.
Maxamed Cumar Carte, Saraakiil ka socday Shirkadda Telesom, Culima-awdiin iyo qaar ka mid ah Xubnaha Ururka, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, kuwaasoo sidoo kale u mahadceliyey Ururka Al-Raxma. Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ku hadlayay afka haweenka tababbarka dhamaystay, qalabkana la gudoonsiiyey, kuwaasoo si aan la qiyaasi karin uga mahad-sheegtay Ururka Al-Raxma oo ay sheegeen wax aan dawlad iyo shicib toona u qaban in Ururkaasi u qabtay. Waxaanay sheegeen in xirfadda ay barteen iyo qalabka la guddoonsiiyey maanta ay dabooli doonaan, isla markaana wax badan ka beddali doonaan nolosha qoysaskooda danyarta ah. Ururkan Al-Raxma waxa hore loo odhan jiray Miskiin-kalkaal Organization.
Berberanews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
info@berberanews.com