Burco: (Berberanews) Ololahaasi uu saka sameeyey xisbiga Kulmiye ayaa oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye iyo xildhibaano ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo shacab aad u tiro badan oo ahaa taageerayaashii xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE......
BURCO:XISBIGA MUCAARADKA AH KULMIYE oo OLOLE BALLAADHAN KA SAMEEYEY BURCO IYO JAWIGI OLOLAHASI
Burco: (Berberanews) Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa maanta Olole ballaadhan ku qabtay fagaaraha Khayriyada Burco.
Ololahaasi uu saka sameeyey xisbiga Kulmiye ayaa oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye iyo xildhibaano ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo shacab aad u tiro badan oo ahaa taageerayaashii xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.
ugu horayntiina waxaa halkaasi ka hadalay Guddomiyaha Ololaha doorashooyinka ee G/togdheer DR:Cabdi Aw daahir Cali oo mahad celin ballaadhan halkaas uga soo jeediyay dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee isugu yimi fagaarah khayriyadda Burco.
Xildhiban Cali mareexan iyo xildhiban siciid cilmi rooble oo iyaguna munaasibadda ka hadlay ayaa taagerayaasha xisbiga kulmiye ku booriyey ilaalinta nabadgelyada iyo inay u codeeyaan xisbiga KULMIYE, waxay sidoo kale tageryaasha u sheegeen in xisbiga kulmiye yahay kii waxyaabo badan oo xukummada haatan jirtey waxba ka qaban weyday iyo wax ay baabiisayba dib u soo noolayn lahaa waxna ka qaban lahaa.
Muj-Maxamed Kahin ayaa isna munaasibadda mahadnaqa ballaadhan uga soo jeediyey shacabka togdheer, wuxuuna sheegay in caddayn buuxda ay u tahay xisbiga UDUB, sida aad maanta isugu soo baxdeen, iyo inay dadku ka daaleen maamulka rayaale ee macangaga ah.
Dr.Gabose ayaa isaga laftiisu fagaaraha kala hadlay kumannaanka tageryaasha ah ee xisbiga kulmiye, wuxuuna isagoo qiiraysan xamaasad aad u badanina gashay cod dheer ku yidhi "Kulmiye GUUUUl, Kulmiye GUUUUUL, Guusha Yaa leh? , Kulmiyaa leh" iyo ereyo la mid ah oo badan.
waxaa kale oo isna halkaasi tix gabay ah oo ammaan ah ka tiriyay Abwaan Hurre Walanwal
masuuliyintii halkaas ka hadashay ayaa dhammaantood atageryaashood ku wacyi gelinayay ilaalinta Nabadgelyada, waxaana Ololohaasi ku soo dhammaaday farxad iyo rayn rayn iyadoo dhaammaan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE sidoo kalena ruxayeen calanka xisbiga kulmiye, kuna soo wareegeen wadooyinka magaaladda Burco.
Maxamed Cumar Aadan
berberanews.com
Burco SomaliLand